Labada nin ee u eg Rodrigo Duterte iyo Kim Jong-un

Lahaanshaha sawirka EPA

Labadan nin lagama garanayo madaxweyenaha Philiphine,Rodrigo Duterte iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, aad ayay ugu egyihiin muqaal ahaan iyo socodba, waxaa lagu arkay labadan nin waddooyinka magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha iyagoo sawirro isla galaya oo wada fadhiyo maqaaxi ku taalla halkaasi.

Dadkii ku dhawaa labadan nin ayaa sheegay inay iska dhigayeen labada madaxweyne balse aysan aheyn hoggaamiyeyaasha dalalkaasi.

Waxaana lagu kala magacaaba Cresencio Extrem waa ninka u eg (Duterte) iyo Howard X oo u eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi (Mr Kim).

Sharciga cusub ee WhatsApp oo saameynaya ganacsiga Soomaalida

Xal loo helay dhibaato heysatay hooyooyinka Soomaalida ee Mareykanka

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Howard X (Bidix) iyo Cresencio Extreme (Midig), waxaa kusoo yaacay dad badan oo ku sugnaa maqaaxida, sawirro ayay la qaadanayeen, waxaa ay siteen qoryo macmal ah.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ninka iska dhigayo madaxweynaha Philippine (Cresencio Extreme wuxuu dhagta u raaricinaya ninka kale ee u eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung Un (Howard X) xilli shalay ay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla magaalada Hong Kong
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ninka iska dhigayay madaxweyne Duterte oo shalay sawirro dadweyne kula galaya munaasabad ka dhaceeysay Kaniisad ku taalla magaalada Hong Kong.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ninka ay isku egyihiin madaxweynaha Philippine (Cresencio Extreme) iyo ninka kale aanan laga garaneyn hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ( Howard X)
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Howard X iyo Cresencio Extreme oo hilib digaag ku wada cunaya maqaaxi ku taalla magaalada Hong Kong 3-dii bishan Februay 2019-ka.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Duterte (saxda ah) iyo Duterte (kan u eg)
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kim Jong-un (saxda ah) iyo kan u eg