Gabar caan ka ah Kenya oo Majaajilo u adeegsata soo celinta sharafta Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

''Aabahay wuxuu moodi jiray in ragga oo kaliya aan ka qososhiiyo, balse sidaasi ma ahayn''

Nasro Yussuf Axmed oo ah gabar majaajileyste ah oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in howlaha majaajilada ay ku biirtay sannadkii 2018-kii.

Hase ahaatee arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in Nasro ay xirfaddeeda majaajilada uga faa;iideysato iney soo celiso sharafta Soomaalinimada

''Dadka Kenyaanka waxaa ka dhaadhacsan in Soomaalida ay argagaxiso yihiin, marka waxaan isku dayaa in aan fikirkaasi ka baabi'iyo oo aan u sheego wanaaga dadka Soomaalida, arrintaasi oo ay aad ugu farxaan", ayey ku sheegtay wareysi ay horraan BBC siisay.

Mowduucyada la xiriira