Shan Siyaabood oo Tirakoobka Itoobiya uu u saameyn doono Deegaanka Soomlida?

Dad Uruursan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad Uruursan

Dalka Itoobiya ayaa si weyn isugu diyaarinaya tirakoobka guud ee afaraad ee dadka iyo guriyaha oo dabayaaqada bisha March 2019-ka ka dhacaya dalkaasi, ayaa la sheegay iney jiraan shan arrimood oo loo baahan yahay iney Soomaalida dalkaasi Itoobiya Maskaxda ku hayaan.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 103-aad tirakoobka guud ee dadka iyo guriyaha waxaa la qabanayaa 10-kii sanaba mar.

Tirakoobka afaraad xilligi in la qabto looga talagalay wuxuu kadib dhacay laba sano ku dhawaad iyada oo lagu wado inuu sanadkan 2019-ka uu ka qabsoomo dalkaasi.

Haddaba Soomaalidu si ay Tirakoobka soo socda sida ku habboon uga qayb qadato ugana faa'ideysato waa iney shantan arrimood fiira gaar ah u yeeshaan:

1. Tirakoobka maxaa loo sameeyaa?

Tirakoobka dadka iyo guriyaha oo uu dal kasta mudda cayiman uu sameeyo waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado tirada rasmiga ah ee dadka ku nool dalkaasi iyo waxa ku kordhay inti ka dambeysay tirakoobkii hore.

Dowladduna marka ay hesho tirakoobka rasmiga ah ee dadka ku nool waddanka ayey dajineysaa qorshayasha dhaqaale, siyaasad iyo arrima bulsho.

Markasta oo ay tirada dadweynuhu korodho waxaa sii badanaya baahiyaha kala duwan ee ay bulshadaasi u qabaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarshada, biyha iwm...

Waxyaabaha tirada daweynaha lagu saleeya oo ay Soomaalidu u bahan tahay iney maanka ku hayso ayaa waxaa ka mid ah:

  • Mudanayaasha baarlamaannada heer federaal, heer deegaan iyo heer degmo
  • Miisaaniyadda deegaanka iyo degmada sanadki loo qoondeeyo
  • Mashaariicda Horumarineed sida caafimaadka, biyaha, waddooyinka, waxbarshada iwm... ee laga fulinaya deegaan, gobol iyo degmo walba.
  • Dakhliga ku waajibayo in laga soo uruuriyo heer deegaan ilaa heer degmo
  • Deeqaha dalka uu dibdha ka helo ayaa lagu qaybiyaa iwm..

Waxa lagu saleeyaa tirda Dadweynaha.

2. Tirakoobkan afaraad muxuu kuwi hore kaga duwan yahay?

Xoghayaha guud ee Xafiiska Tirakoobka guud ee dadka iyo guriyaha ahna Agaasimaha guud ee wakaaladda Itaatistiksiga Itoobiya Biratu Yiggezuu ayaa BBC u sheegay "tirakoobkan inaan loga gol laheen ujeeddo siyaasadeed haddana wuxuu tirakoobku yahay kan lagu go'aamiyo go'aan kasta oo siyaasadeed ama dhaqaale oo uu dalku gaadhayo".

"Tirakoobyadi seddexda ahaa ee kan ka horreeyey waxaa loo sameeyn jiray qaab aan casri ahayn oo khladaad badan ay ka iman karaan, hase ahaatee kan afaraad ee sanadkan la sameeynayo si khaladaadki dhici jiray looga gudbo waxaa la adeegsanayaa qalab casri" ayuu yiri Mr Biratu.

"Mararka qaar haddii degmooyinka iyo tuulooyinka qaarkood laga keeno tira la buunbuuniyey waxaan arrintaasi xallinteeda ka wakaalad ahaan la kaashaneynaa guddiyada madaxa bannaan ee tirakoobka goob joogga u noqonaya" ayuu yiri.

"Macluumaad kasta oo tirakoobka la xiriira oo qofka la weydiinayana waxaa lagu saleeynayaa oo keli jawaabta qofka la tirakoobayo uu u bixiyo."

Image caption Biraatuu Yiggezuu

3. Sideey dowladdu ugu diyaar garoowday tirakoobka Afaraad?

Waa marki ugu horreysay oo taariikhda tirakoobka dlka Itoobiya loo adeegsado qalab casri ah (digital), iyada 180,000 oo tablet oo tirakoobkaas looga tala galay sanad ka hor la soo iibiyey.

Si ay Tableetyada dab la'aan ugu dhicinna waxaa sida oo kale la diyaariyey 126,000 batariyada dabka lagu keydiyo (power bank) iyo 30,000 oo charger qorraxda ku shaqeeynaya si dabeynta qalabkaasi loogu adeegsado.

Qalab casri ah in tirakoobkan loo adeegsadana waxay faa'ida u leedahay "tayada tirakoobka, dabagalka, in xilligi loo baahnaa ay natiijada soo baxdo iyo in dhibaatooyinki horay uga dhici jiray tirakoobyadi hore si meesha looga saaro" ayuu yiri Mr Biratu.

4. Natiijada tirakoobka goormaa la shaacinayaa?

BBC-da oo weydiisay Agaasimaha guud ee wakaaladda Itaatistiksiga dalka Itoobiya Biratu Yiggezuu qulqulatooyinka dalka ka taagan iney tirakoobka saameyn karto iyo in kale ayaa wuxuu sheegay "inkasta oo ay jirto cabsi arrintaasi ka iman karta haddana waxaan rajeeynayaa iney waxba dhicin".

"Laba sana ka hor mar aan sameeyneynay aaggagga tirakoobka ee qaybo ka mid ah deegaannada Oromada iyo Amxaarada ay mudaharadyo ka jireen haddana howlaha tira koobka wax saameyn ah u geysanin" ayuu yiri.

"Tirakoobkan wuxuu soconayaa 7 ilaa 10 malmood" ayuu yiri Mr Biratu.

Tirakoobka marka la soo gabagabeeyo kaddib isku dubbaridka xogta dalka oo dhan laga soo uruuriyey ayaa xigeyso kaddibna natiijad kama dambeysta ah marka la horgeeyo golaha wakiillada shacabka oo ay ansixiyaan shacabka loo shaacinayo.

5. Xilliga tirakoobka qofka maxaa la weydiinayaa?

Foomamka tirakoobka loo adeegsanayo waxaa marki ugu horreysay lagu tarjumay shan luuqadood oo kala ah Soomaali, Amxaari, Oromo, Soomaali, Tigree iyo Cafar.

Xogta aas aasiga ee qofka la weydiinayana waxaa ka mid ah Da'da, Jinsiga, Diinta, Qowmiyadda, Shaqadiisa iwm su'aalo la xiriiro.

Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya wuxuu ka mid yahay deegaannada sida weyn u dhaliilay natiijooyinka tirakoobyadi seddexda ahaa ee dalka ka dhacday iyaga oo aaminsan inaan Soomaalidu si wanaagsan loo tirakoobin.

Tirada diimaha ee dalkaasina waxay ka mid ahayd waxyaabaha khilaafka aadka u weyn uu k ataagnaa oo ay siyaasiyiinta dalka iyo deegaannada isku mari waayeen.

Tirada shacabka dalkan Itoobiya iyada oo laga duulayo tirakoobki hore waxaa lagu qayaasay inuu gaari doono 100 milyan.

Mowduucyada la xiriira