Shacabka Marsabit oo arrin la yaab leh ku sameeyay shir ay ugu yeereen madaxdooda

Shacabka ayaa madaxdooda soo hor dhigay biyo wasakh ah, maadaama ay ku guul dareysteen iney wax ka qabtaan dhibaatada biyo la'aanta Lahaanshaha sawirka Citizen Digital
Image caption Shacabka ayaa madaxdooda soo hor dhigay biyo wasakh ah, maadaama ay ku guul dareysteen iney wax ka qabtaan dhibaatada biyo la'aanta

Shacabka ku dhaqan deegaan lagu magacaabo Karare oo ka tirsan maamul goboleedka Marsabit ee dalka Kenya ayaa caro xoog leh u muujiyay hoggaamiyeyaashooda, ka dib markii ay waxba ka qaban waayeen xaalado xal u baahan oo ka jira deegaanka.

Dadka ayaa madaxda ku eedeeyay iney juhdi ku bixinayaan waxyaabo aan muhiim ahayn, halka aysan isku howleynin arrimaha ku saabsan danaha dadweynaha.

Hase ahaatee arrin la yaab leh ayaa dhacday ka dib markii Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay ugu yeeray dadweynaha shirk u saabsan sidii xafiis dowladeed ooh oose looga furi lahaa deegaanka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Biyo gelinta Tog Wajaale

Shirkii oo ay madaxda fadhiyaan ayaa geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasakh ah, waxaana miiska loo saaray madaxda, si ay u cabaan.

Arrintan ayaa ahayd mudaharaad cajiib ah oo looga careysan yahay in aan deegaanka laga hir galinin adeegyada biyaha nadiifta ah, sida uu shaaciyay telefishinka Citizen ee dalka Kenya.

"Dhibkeennu waa dhinaca biyaha, ma aha xafiis cusub", ayey qaar ka mid ah shacabka ku dhaheen hoggaamiyeyaasha.

Shacabka ayaa sheegay in muddo dheer ay madaxdooda ka codsanayeen in wax laga qabto biyo la'aan ka jirta halkaas, taasoo ku kaliftay iney biyo wasakh ah isticmaalaan.

Ugu dambeyn waxay go'aansadeen iney habkan lagu tilmaamay "xushmad darrada" kusoo bandhigaan cabashadooda.

Bishii Janaayo, 147 neef oo geel ah ayaa deegaannada Karare iyo Elehadi ku bakhtiyay ka dib markii sida lasoo tabiyay ay cabeen biyo wasakh awgeed la sumoobay.

Mowduucyada la xiriira