Maxaa hor taagan in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha?

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dooday in haddii deymaha laga bixiyo ay fulin lahayd adeegyadii shacabka
Image caption Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dooday in haddii deymaha laga bixiyo ay fulin lahayd adeegyadii shacabka

Midowga Afrika ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymaha looga leeyahay caalamka, laakiin wali waxaa jira walaac ay beesha caalamku ka qabto in haddii deymaha la cafiyo ay Soomaaliya dhaqaalaha la siin doono ku maareyn doonto meelaha loogu tala galay.

Dawladda Soomaaliya waxay hore uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaasho kooxaha ka hor jeeda.

Qiyaasta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa ilaa 4 Bilyan oo dollar, intooda bandanna waa dulsaar iyo ciqaabo ku socday muddadii 30-ka sano ku dhoweyd ee lagu lahaa deynta, laga soo bilaabo markii xukunka laga tuuray dawladdii milateriga 1991.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo IMF kala qeybglaya shir Indonesia

Qaantaas ayaa ka dhigtay mid aan suurtogal ahayn in xukuumadda Muqdisho ay u suurto gasho inay dhaqaale ka hesho hay'adda lacagta aduunka ee IMF ama hay'adda caalamiga ah ee horumarinta oo ah qaybta bankiga aduunka u qaabilsan deymaha jilicsan ee loo ogol yahay dalalka Somalia oo kale ah.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada arrimaha bulshada ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah.

Ma uusan xaqiijin qiyaas uu sarkaal baanka adduunka ka tirsan ku sheegay in miisaaniyadda Al Shabab ay ka badan tahay tan xukuumadda laakinse wuxuu yiri: "Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midda aan baahida ugu qabno taageerada beesha caalamka", ayuu yiri.

Haddii dowladda laga cafiyo deymaha, adeegyada ma fulin doontaa?

Shaafici Shariif Maxamed waa aqoonyahan ku sugan Magaalada Muqdisho, oo arrimaha dhaqaalaha ka faallooda.

Wuxuu qabaa in cafinta deymaha aysan marmarsiiyo u noqon karin dowladda Soomaaliya.

"Waxaan ka warheynaa in deymaha ugu badan Soomaaliya ay ku leeyihiin waddamada reer galbeedka iyo Carabta, mar walbana waxay sheegaan iney diyaar u yihiin iney deymahaas u cafiyaan Soomaaliya, laakiin waa markii ay dowladdu la imaato nidaam isla xisaabtan dhab ah. marka anigu ma qabo in lagu marmarsiyoodo ama la yiraahdo deymaha hanalaga cafiyo iyadoo aan wali arrinta hoos laga soo billaabin. Marka wax walba waxaa aasaas u ah in marka hore la helo isla xisaabtan dhab ah kadibna jidkii saxda ahaa loo maro"

Soomaaliya waxay dadaal dheer u gashay in deynta lagu leeyahay laga cafiyo, laakinse sarkaal ka tirsan hay'adda IMF wuxuu leeyahay: "Waxaa muhiim ah in dalku uu sameeyo isbedello muhiim ah iyo in la dhaqangaliyo siyaasado lagama maarmaan ay tahay in la helo", walow uu dhanka kale sheegayo im arrimahaas horumar laga sameeyey.

Madaxa hay'adda Atlantic council qaybteeda qaabilsan arrimaha Africa, Peter Pham ayaa sheegaya in hay'adaha kala duwan ay ku saxsan yihiin in ay dareen ka qabaan ka hor inta aysan lacag ku harqin Soomaaliya. "Waa arrin hore loo soo arkay oo laablakac noqon karta in beesha caalamku ay si xiiso leh ula dhacaan xukuumadda Soomaaliya, yeynaan ku harqin dalka wax ka badan awooddiisa", ayuu yiri.

Wuxuu qiray in xukuumadda ay horumar samaysay, laakinse wuxuu sheegayaa in musuqa aan weli la xakamayn. Lacago aad u badan oo kaash ah oo kaalmo loo siiyo ayaa la waayaa ayuu yiri wuxuuna intaa ku daray inuu shaki ka qabo in 27,000 oo mushaar ku qaata in ay la dagaallamayaan Al Shabaab ay yihiin askar aan jirin.

Sidaasoo ay tahay, midowga Afrika wuxuu deny bixiyeyaasha qaanta ku leh Somalia weydiistay in Somalia laga cafiyo gebi ahaanba deynta lagu leeyahay nooc kasta oo ay tahay, si waddanka ay suurto gal ugu noqoto inuu kaalmo dhaqaale helo.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la dardar galiyo xiriirka dhanka maaliyadd ee Soomaliya. Talaabadan ayaa noqonaysa hiil siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo Soomaalia ay ka heshay halkii ugu sarraysay, waxaase muhiim ah in isha lagu hayo qaabka ay deyn bixiyeyaasha deymaha ku leh Somalia uga jawaabaan baaqan ka yimid hay'adda ugu sarraysa hagidda siyaasadda qaaradda Afrika.

Mowduucyada la xiriira