Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo meeshii ugu xumeyd gaaray

. Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Kenya
Image caption Kenya ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalk Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku "xaraashtay" ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Sahminta shidaalka ayay Kenya sheegtay in laga sameeyay xadka dhanka badda ee ay wadaagaan Soomaaliya. Kenya ayaa ku adacootay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay magaalafda London ku "xaraashtay" ceelal shidaal oo ay leedahaya. Shantii bisha Febraayo ee sannadkii 2019-ka ayaa waxaa magaalada London ee Britain lagu qabtay shir lagu soo "bandhigayay maclumaad la xiriira sahmin shidaal" oo laga sameeyay Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahankaasi waxaa soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka. Dowladda Kenya aya sheegtay in arrintan ay wax ka weydiisay safiirkeeda Soomaaliya u fadhiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go'aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi, dibna ug laabato.

Hasayeeshee dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau aya sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.

Lahaanshaha sawirka Nation
Image caption Macharia kamau

"Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda".

Kamau ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago.

"Xaraashkan gardarrada ah wuxuu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxaa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannada,". Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya oo iyadu dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaala maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo aan la geyn maxkamadda.

Kenya oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaan la garaneyn halka arrintan ay ku dambeyn doonto.