Aabbe ilma uu dhalay xaday oo maxkamad lasoo taagay

Aabba ilmuhuu dhalay xaday Lahaanshaha sawirka RICHARD MUNGUTI/NATION MEDIA GROUP
Image caption Aabba ilmuhuu dhalay xaday

Aabbe loo xiray iskuday uu ku doonayey inuu ku xado ilma uu isagu dhalay ayaa ugu dambayn ka badbaaday xabsi.

Wariyaha BBC Ferdinand Omondi ayaa sheegay in "Mr Boniface Murage uu awoodi waayey inuu iska bixiyo lacag 500 oo doolar ah oo ilmahiisa lagu daweeyey laguna xukumay 3 bilood oo xabsi ah."

Waa sheeko la yaab leh oo taabatay dad badan oo reer Kenya ah.

Mr Boniface, oo ah Aabbe 20 jir ah ayaa wuxuu awoodi waayey lacag 500 oo doolar ah oo lagu daweeyey wiilkiisa oo la jiifiyey Isbitaalka Kenyatta ee magalada Nairobi.

Kaddib wuxuu aabbihi awoodi waayey inuu bixiyo lacagta ilmihiisa lagu daweeyey wuxuuna damcay inuu ilmihiisa isbitaalka Kenyaata kala baxsado.

Ilmihiisa oo hal bil jira ayaa wuxuu ku soo qaaday boorso bac ka sameeysan sida aad ku aragtaan sawirka kore.

Balse uma suurto galin inuu ka gudbo ilaalada isbitaalka gacanta ayaana lagu dhigay.

Maxkamadda marka la geeyayna waxaa lagu helay in uu dambiile yahay isaga oo qarka u fuulay in xabsi loo diro.

Shacabka reer Kenya ayaana dhacdadaasi si cara leh uga jawaabay iyaga oo aad u dhaleeceeyey nidaamka cafimaadka ee dalka u yaalla.

Kaddibna waxaa ninkaasi loo yaboohay mucaawino in loo uruuriyo si lacagta looga bixiyo. Qareenkana wuxuu aabbaha dhibban uu siiyey adeeg qareennimo oo bilaash ah.

Dad tabarrucayaal ah ayaana aabbihi lacagta lagu lahaa ka bixiyey, qaar kalana waxayba isugu dareen lacag ka dheer inti lagu lahaa.

Maanta ayaa garsoore Muthone Nzibe waxa uu sii daayey Boniface, isaga oo ku dhawaaqay inuusan ninkaasi galin wax dambi ah oo uu ku muteysan karo 3 bilood oo xarig ah.

Boniface oo xor ah oo ka badbaaday xabsi oo ilmihiisa oo aan deyn lagu lahayna sita ayaa gurigiisa ku noqday isaga oo nabdoon.