Siyaad Muxumed Cumar: "Waxaan ka baxay Jaamacadda BBC "

Siyaad Muxumed Cumar
Image caption Siyaad Muxumed Cumar oo laanta Afka Soomaaliga ee BBC dhgeysanayay 49 sano

Laanta afka Soomaaliga ee BBC waxay soo jirtay in ka badan 60 sano.

Waxaa la furay sanadka markuu ahaa 1957-dii.

Siyaad Muxumed Cumar waa 70 jir ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuu muddo aad u dheer ku taxnaa oo uu dhagaysan jiray laanta Af Soomaaliga ee BBC.

Siyaad ayaa sheegay in muddadaasi uu dhagaysanayay laanta afka Soomaaliga ee BBC uu ka kororsaday cilmi badan oo xogaha adduunka ku saabsan.

Maxaa ka mid waxyaabaha uu ka korarsady?

Siyaad Muxumed Cumar oo aan waxna qorin waxna akhrin ayaa sheegay in macluumaadka uu BBC-da ka helo ay ku keydsan yihiin maskaxdiisa.

Waxa uu intaa ku daray in dad badan oo aqoonyahanno ah soo weydiiyaan xogtaas oo ay ka mid yihiin wararka dunida iyo waxyaabaha ka socda.

"Waxaan billaabay dhagesysiga BBC 1969,ilaa waqtigasi ayaan dhagaysaanayay,waqtiyadaas waxyaabaha ay dadka aadka u xiisaynayeen waxaa ka mid ahaa dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka iyo jabhaddii Biafra ee Nigeria," ayuu yiri Mr Siyaad.

Siyaad Muxumed Cumar ayaa sheegay in isaga oo aan wax qorin waxna akhrin haddana dad aqoonyahanno ah ay taariikhaha iyo wararka caalamka wax ka waydiiyaan taasi oo uu ku micneeyay inay tahay Jaamacadda BBC oo uu ka baxay.

"Nooc jaamacad oo kale ah ayaan kaga baxay, anigoo wax akhrin waxna qorin, waxaa dhacda in waxyaabo bari hore dhacay oo la iga codsado inaan sheego cidda waagaas waddankaas madaxwayne ka ahayd oo waagaas yaa Qaramada Midoobey wax ka ahaa in ay wax iga waydiiyaan baa laga yaabaa dad mutacallimiin ah marka jaamacad baan ka soo baxay baa la oran karaa" ayu yiri Mr Siyaad.

Maxaa ka mid ah barnaamijyadii uu xiisayn jiray?

Siyaad Muxumed Cumar ayaa sheegay in muddada 49 sano ah ee uu dhageysanaayay BBC ay jireen barnaamijyo uu si gaar ah u jeclaa.

"Barnaamijyada aan aadka u xiisayn jiray waxaa ka mid ah,barnaamij la oran jiray waydiin iyo warcelin,Qubanaha Talaadada,toddobaadka iyo Afrika iyo dunida carabta ayaa ka mid ah barnaamijyada aan aadka u jeclaa waagaas",ayuu yiri.

  1. Cabdinuurkii codka halaasiga ah lahaa oo BBC-da ka tagaya
  2. BBC oo raadineyso xiddiga ugu wanaagsan saxaafadda Afrika
  3. Barnaamijka baafinta ee BBC oo isu keenay dad is dhalay oo is la'aa
Image caption Siyaad Muxumed Cumar

Kalsoonida ay dadka ku qabaan BBC.

Siyaad Muxumed Cumar ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay si aad ah ugu kalsoon yihiin wararka ay tebiso laanta afka soomaaliga ee BBC.

Waxa uu intaa ku daray in muddadii ka badnayd 60 sano ee ay BBC jirtay ay ahayd isha kali ah ee laga heli karo warar lagu kalsoonaan karo.

"Soomaalida waxaan u malaynayaa in muddo imika 60 sano ah isha kali ah ee ay dadku ku kalsoon yihiin waa BBC" ayuu yiri Mr Siyaad.

Siyaad Muxumed Cumar ayaa sheegay in dhageysiga BBC lanta Afka Soomaaliga ay u saamaxday in uu wax badan ka ogaado caalamka.

Mowduucyada la xiriira