Dad badan oo ku dhintay dab qabsaday guri ku yaalla dalka Bangladesh

Fire blaze in Dhaka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dabka Dhaka

Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 70 ruux.

Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah.

Dabka ayaanaa ku faafay dhismayaashii ka ag dhawaa, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha.

Masuuliyiinta ayaa BBC-da u sheegay in subaxnimada Khamiista ay dhimashadu maraysay 70, balse dabkii la xakameeyay.

Waxaa laga yaabaa in dabku uu markii u horraysay ka billawday gaaska wax lagu karsado, ka hor inta uusan ku sii faafin qaybtii ay kiimikadu taallay, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cali Axmed oo ah madaxa waaxda dabdamiska.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dabka ayaa hadda la xakameeyay

Dabka ayaa sii qabsaday afar dhisme oo isku xiriirsan oo kiimiko taallay, ayuu yiri.

Dadka ayaa ku xayirmay dhismeyaasha, sida ay wararku sheegayaana waxaa u suuragali wayday in ay holaca ka soo dhex baxaan.

Mowduucyada la xiriira