UK: Walaalo horaaddada laga jaray haddana makaankooda loo maahmaahanayo

Labo gabdhood oo walaalo ah oo naasaha laga jaray iyadoo laga cabsi qabo in uu kansar ku dhaco ayaa sheegay in ay sidoo kale iska bixinayaan makaankooda.
Clare Lawrence oo 36 jir ah iyo Lisa Lillicrap oo 33 jir ah ayaa naasaha laga jaray sannadkii hore ka dib markii cilad lagu arkay.
Labadan gabdhood ayaa haddana mar kale halis ugu jira in uu ku dhaco kansarka ilmo galeenka.
Waxaa lagu sameeyay baaritaan kale maadaama qoyska ay ka soo jeedaan lagu yaqaannay in kansar uu ku dhaco.
Ciladda soo wajahda waxa afka qalaad lagu yiraahdo hidesidaha BRCA ee kansarka hordhaca u ah "ayaa horay loogu arkay gabadha caanka baxday ee Angelina Jolie" baarintaan lagu sameeyay ayaana lagu ogaaday in atariishadaasi ay 87% halis ugu jirto in uu ku dhaco kansarka naasaha, markaas ka dib ayaana naasihii laga jaray.
Lisa Lillicrap
Dhakhaatiirta ayaa u sheegay gabdhahan walaalaha ah in nooca ciladda ay ku arkaeen ay ka dhigan tahay in aysan u baahan doonin qalliin tan iyo inta ay ka gaarayaan da'da 40-yada.
Lisa oo labo carruur ah haysata mid kalana rajaynaysa ayaa tiri "waxaan noqonayaa 38 jir, afartan jir marka aan noqdana waxaan dabaal dagi doonaa aniga oon makaan lahayn."
Maxay tahay ciladda soo wajahda hidesidaha BRCA?
Qof kaste oo banii'aadam ah wuxuu leeyahay hidesidaha BRCA haddiise ay ciladi gasho mid ka mid ah wuxuu horseedi karaa in uu waxyeeleeyo hidde sideyaasha, unugyada ayaana noqda kuwo dhinta.
Qiyaas ahaan 800 ee dumar ahba mid ka mid ah ayaa loo malaynayaa in isbadal ku yimaaddo hidde sideyaashooda, 5% dumarka ku nool UK ee qaba cudurka kansarka naasahana waxaa jirkooda laga helaa cilad ku timaadda hiddesidaha BRCA.