Maxaa dowladda Soomaaliya uga bannaan khilaafka badda ee kala dhaxeeya Kenya?

. Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u gelin doonin xitaa qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa galinkii dambe ee maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aaddan arrintan ku saabsan muranka badda, iyadoo sheegtay in tallaabadii ay Soomaaliya qaadday ay ahayd mid qallafsan.

"Ma jirto dowlad aan ku wareejineyno taako ka mid ah dhulka ay Kenya leedahay", ayey tidhi Ambaasadoor Monica Juma.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

  1. Militariga Soomaaliya "uma diyaarsana dagaal"
  2. Doorashada xildhibaanada Soomaaliya
  3. Ma garanaysaa midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya?

Tillaabooyinka ku haboon inay Soomaaliya qaado

Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray, isaga oo salka ku haya arrimo ku saabsan muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca biyaha ee u dhaxeeya labada waddan.

Cabdiqadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabada u furan Soomaaliya ay tahay iney jawaab kale bixiso.

"Arrinkan waa mid diblomaasiyadeed oo haatan cusub, warqaddii ugu dambaysay ee ay dowladda Soomaaliya soo qortay waxay ahayd mid wanaagsan laguna qeexayey in si diblomaasiyadeed lagu xalliyo khlilaafka, marka waxaa u habboon dowladda Soomaaliya inay u jawaabto sidii fiicnayd ee ay horay uga jawaabtay. Tan kale Soomaaliya waa inay ku dhiirrato mowqifkii maxkamadda", ayuu yidhi.

Sidoo kale, Danjire Ciid Baddal, oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika iyo caalamkaba ayaa BBC-da u sheegay in arrintu ay u muuqato mid waji kale wadata.

"Waxa ugu muhiimsan oo ay dowladda Soomaaliya samayn karto waa inay caddeyso qaybaha uu khilafaadka ka taagan yahay ee dhanka xuduudaha badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Kenya ilama aha inay Soomaaliya ka heli doonto jawaab ka baxsan tii horay uga timid, balse Kenya mowqifkeeda waxaa ka dhex muuqday inay rabtay in caalamka ay la wadaagto una sheegto sida ay Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma galinkii dambe ee shaly ku qeexday in Jawaabtii ay bixisay Soomaaliya aysan ahayn mid sax ah."

Lahaanshaha sawirka DAILY NATION
Image caption Monica Juma

Ms Juma ayaa sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaabo faahfaahsan , iyadoo dhanka kalena xustay in Kenya ay aad isugu dayeyso iney "isxakameyso", oo aysan tallaabo xad-dhaaf ah qaadin.

Waxay dalbatay in Soomaaliya ay sharraxaad buuxda ka bixiso qodobada ay Kenya taabatay ee ku saabsan meelaha shidaalka qaniga ku ah ee la beeciyay.

Hanjabaadda Kenya

Wasiiradda oo ka hadleysay shir jaraa'id oo ay warbaahinta u qabatay ayaa hoosta ka xariiqday in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba jawaabta ay Soomaaliya ka bixiso sharraxaadda laga sugayo.

Lahaanshaha sawirka DAILY NATION
Image caption Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ah

Qeyb ka mid ah sharraxaadda ay Soomaaliya ka sugayaan ayey sheegtay in ay tahay raalli galin laga doonayo in Soomaaliya ay siiso Kenya.

"Kenya uma furna tillaabooyin mira dhal ah oo ay ku qaadi karaan Soomaaliya, Kenya waxay caddaysay wax taariikhda Soomaaliya ku cad oo ah inay Soomaaliya weligood aqoonsanin xuduudihii uu gumaysiga ka tagay, Ingiiska iyo Talyaaniga ayaa sameeyey xuduudo 1924-kii, iyadoo 1964-kii lagu aqoonsaday xuduudahaas shirkii midowga Afrika, balse Monica waxa ay sheegtay in Soomaaliya aysan weligeed xuduudahaas aqoonsanin", ayuu yiri Danjire Ciid Baddal.

Mowduucyada la xiriira