Baahida Macaalimiinta ee Minnesota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macalimiin yaraan ka jirta Minnesota

Gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ee ay deggan yihiin inta badan Soomaalida dalkaasi u haajirtay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto baahi baahsan oo dhanka macallimiinta ah.

Arrintan ayaa waxaa loo aanaynayaa bulshadaasi oo aanan soo saarin macallimiin ku filan dadkooda.

Haddaba si taa looga gudbo ayaa mas'uuliyiinta deegaanku waxa ay Soomaalida ku dhiirigeliyaan inay iska diiwaangeliyaan macaahidda lagu bixiyo tababarrada macallinimada.

Mas'uuliyiinta ayaanan intaa ku ekaannee waxa ay dadka doonaya ku dhiirigeliyaan inay ka dabari doonaan wixii kharashaad ah ee la xiriira kuliyadaha culuumtaasi lagu barto.

Haddaba weriye Siyaad Saciid Saalax ayaa waxa uu inoo diyaariyay warbixin umuurtaasi ku saabsan.