Hindiya oo weerar dhanka cirka ah ku qaadday dhulka Pakistan

, Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption ,

Xukuumadda Hindiya ayaa sheegaysa in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadday kooxo mintidiin ah oo ku sugan dhulka Pakistan ayadoo muran xooggani uu u dhexeeyo labadaas dal.

Wasiir katirsan Xukuumadda Hindiya ayaa sheegay in duqaymaha ay ku bartilmaameedsadeen saldhig wax lagu tababaro oo ay leedahay kooxda Jaish-e-Mohammad oo kuyaal Balakot.

Xukuumadda Pakistan ayaa sheegtay in duqaymahaas lala beegsaday deegaan cidlo ah hase ahaatee waxay ballan ku qaadday in ay jawaab ka bixinayso.

Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ee hubka nuclear-ka haysta ayaa xumaaday tan iyo markii horraantii bishaan weerar ismiidaamin ah lagu dilay 40 askari oo katrisan ciidamada Hindiya.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysay in ay kooxo mintidiin ah u oggolaatay dalkeeda si ay hawlgallo uga fuliyaan gudaha Hindiya. Kooxda Jaish-e-Mohammad ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Pakistan ay kaalin ku lahaayeen weerarkii dhacay 14-kii bishaan February.

Duqaymihii dhanka cirka ee maanta ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee lagu qaado dhulka Pakistan ay maamusho tan iyo sanadkii 1971-kii - weerarka ayaa ka dhacay xuduudda kala qaybisa gobolka Kashmir ee Hindiya ay maamusho iyo Kashmirta kale ee Pakistan ay maamusho.

Dadka daggan gobolka Balakot ee dalka Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in ay kusoo tooseen Qaraxyo waawayn.

Pakistan ayaa cambaaraysay weerarka waxayna sheegtay in ay aar gudanayso "Xilliga iyo meesha ay doorato"

Pakistan ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay oo aanay nabad ka keeni karin mintidiinta dalkeeda ku sugan.

Image caption ,

Mowduucyada la xiriira