Haweeney ayadoo moog mas diyaarad la raacday

, Lahaanshaha sawirka SCOTTISH SPCA
Image caption ,

Markii Maria Boxall ay boorsadeeda maska ku dhex aragtay ayadoo fasax ugasoo laabatay Australia, waxay u malaysay in qof qoyskeeda kamid ah uu u dhex galiyey.

Hase ahaatee markiiba waxay ogaatay in aanay arrintu dheel ahayn - haddii ay taabatayba waa kan dhaqdhaqaaqay.

Maskan ayay si aan ula kac ahayn ugusoo qaadatay boorsadeeda mar ay diyaarad ugu kala gooshaysay magaalooyinka Queensland iyo Glasgow.

Ms Boxall ayaa waagu ku baryay markay maskan aragtay asagoo ku dhex jira kabteeda oo boorsada ku dhex jirtay.

Hase ahaatee waxay xaaladdu isbadashay markay ogaatay in xamaaratadan ay tahay jabiso.

Lahaanshaha sawirka SCOTTISH SPCA
Image caption ,

Mid kamid ah qaraabada gabadhan oo lagu magacaabo Paul Airlie ayaa sheekadan la xiriirta safarka maska u sheegay Raadiye laga leeyahay Australia.

Gabadha ayaa sheegtay in qolkeeda ay ku aragtay maska intii ay ku sugnayd dalka Australia hase ahaatee ay moodday in masku uu qolka ka baxay.

Sarkaal katirsan hay'adda xanaanada xayawaanaadka ee Scottish SPCA oo lagu magacaabo Taylor Johnstone ayaa sidan yiri: "Waxaan ka jawaabay wicitaan ay leedahay haweeney kasoo laabatay Australia oo mas ka dhex heshay boorsadeedii"

Lahaanshaha sawirka SCOTTISH SPCA
Image caption ,

"Markii aan imid, masku waxa uu ku jiray boorsada qofka isoo wacay, markaas ayaan ka saaray maska boorsada. Baadhitaan kadib, masku waxa uu noqday jabiso aan aad u halis badnayn"