Dhambaal gabay jacayl ah, ma u diri lahayd gabadh ku diiddan?

.

Maxaad yeeli lahayd haddii adiga oo hibo u leh hal abuurka suugaanta, saaxiibkaa kuu waayo sheegto oo ku yiraahdo inantaan qoys inaanu wada yagleeno isla garanay ayaan wax war ah ka waayay oo waxaa iga oodmay wadiiqooyinkii aan wararka u marin jiray. Hayeeshee fursadda keliya ee aan haysta haatan ayaa ah inuu jiro qof aan rabo inaan warqad ugu dhiibo gabadha, ee maxaan ku qoraa? inantaan qoys inaanu wada yagleeno isla garanay ayaan wax war ah ka waayay oo waxaa iga oodmay wadiiqooyinkii aan wararka u marin jiray. Hayeeshee fursadda keliya ee aan haysta haatan ayaa ah inuu jiro qof aan rabo inaan warqad ugu dhiibo gabadha, ee maxaan ku qoraa?

Cabdiraxmaan Bashiir Cabdiraxmaan, oo ah hal abuur da'yar ayaa qisadaa uga sheekeeyay wariye Cabdillahi Jamac oo Hargaysa kula kulmay, ugu horrayn waxa uu weydiiyey tix uu tiriyo markii ugu horraysay ?

"Waxaan gabaygii iigu horreeyay tiriyey anigoo jira 13 sano, balse xilligaas uma haysanin inuu lahaa murti, markii aan soo weynaaday ayaan ogaaday murtida gabayga." Ayuu yiri.

  1. Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
  2. Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray
  3. Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay nin madaw ah jeclaatay
  4. Maxkamadda sare ee Hindiya oo dib u eegaysa dalaaqa Muslimiinta

" Waxaa dhacday in nin aanu saaxiibo nahay ii waramay, wuxuuna igu yiri gabadh muddo dheer naga dhexeeyey xiriir jacayl ayaa ka guurtay magaaladii aan daganayn, marka waxaa isbadelay sidii ay ii ahaan jirtay, fariimahayga igama soo jawaabto ee maxaan sameeyaa ayuu igu yiri, kaddib ayaan weydiiyey haddii ay fariimahaada kaaga soo jawaabi weysay, ka waran haddii aan markaan gabay u dirno."

Hal abuurkan ayaa saaxiibkiis kula taliyey inuu warqadda uu udiriyo gabadha uu jecelyahay uu gabay ka dhigo kana jawaab sugo markaas, saaxiibkiis ayaa go'aansaday inuu warqadda u dhiibo qof u baxaya magaalada ay ku noolayd gabadha uu jacelyahay.

Cabdiraxmaan ayaa u arkayey inay tani noqon doonto xal maadama uu saaxiikis iskudayadii hore aysan u mira dhalin, " waxaan ku iri warqadda waxaad ka dhigtaa mid xigmadaysan oo ka duwan kuwii hore oo aad dhibaatooyinkaada ku sheeganaysid, haddii ay taasi ka soo jawaabta markaas wey ku doonaysaa haddii kale wey kaa tashatay."

Sida uu abwaanka sheegay wiilkii taladiisii ayuu qaatay, wuxuuna gacalisadiisii dhuntay u qoray gabay una dhiibay nin safar ahaa oo u socday magaaladii ay ku noolayd.

Mowduucyada la xiriira