Libaax dilay ninkii rabbaysanayey

Waa mid ka mid ah libaaxyadii uu carbinayay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa mid ka mid ah libaaxyadii uu carbinayay

Michal Prasek ayaa gurigiisa oo ku yaalla bariga dalka Czech Republic ku carbinayay libaaxan oo 9 sano jir ah iyo libaax kale oo dhadig ah, waxaana maalmhii dambe soo badanayay walaac ay dadka deegaanka ka muujinayeen libaaxyada.

Patric aabihii ayaa meeydkiisa ka helay xerada uu libaaxa ku jiray, waxa uuna warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu albaabka ka xirnaa dhanka gudaha ah.

Libaaxyada ayaa ku noolaa hal xero balse mid kasta waxa uu ku jiray meel gaar u ah, waxaana toogtay booliskii lagu wargaliyay dhacdada oo goobta yimid.

Afahyeenka booliska dalka Czech Republic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay ahayd lagama maarmaan in la toogto libaaxyada si meydka ninka looga soo saaro gudaha xarada.

Mr Prasek oo 34-sano jir ahaa ayaa libaaxan dilay soo iibsaday sannadkii 2016-kii, halka kan kalena uu soo iibsaday sannadkii hore.

Mar sii horreeysay ayaa ninkaan la ganaaxay kaddib markii lagu soo eedeyay in uu si sharci darro ah u carbinayo libaaxyada sababtoo ah ma uusan hay'san ogolaansho.

Lahaanshaha sawirka ZDENEK NEMEC / MAFRA / PROFIMEDIA
Image caption Ninkan ayaa libaaxyada ku carbinayay gurigiisa

Balse markii dambe khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo maamulka ayaa xal laga gaaray kadib marki Mr Prasek uu diiday inay cid soo gasho gurigiisa.

Mr Prasek ayaa qabsaday bogagga hore ee warbaahinta kadib markii xagaagii hore uu nin baaskiil wado uu ku dhacay libaaxa oo uu banaanka u soo bixiyay si uu soo socodsiiyo.

Markii ay booliska soo dhex galeen dhacdadaasna waxaa dhacday in kiiska laga dhigay shil ay sababtay saxmad.

Mowduucyada la xiriira