Farmaajo iyo Uhuru maka wada hadli karaan arrinta muranka badda?

Uhuru iyo Farmaajo ayaa ku kulmay Nairobi Lahaanshaha sawirka Office of the Prime Minister-Ethiopia
Image caption Uhuru iyo Farmaajo ayaa ku kulmay Nairobi

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ay maanta oo Arbaco ah ku yeesheen Magaalada Nairobi uga wada hadlay xallinta khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha Kenya ayaa qaabilay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kulankooda uu ahaa mid xasaasi ah oo kusoo aaday xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dhinac.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guuleystay in uu hal meel isugu geeyo labada hoggaamiye oo ay dowladahooda ka dhaxeysay xurguf siyaasadeed oo cirka isku sii shareertay isbuucyadii lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Uhuru iyo Farmaajo ay saaka is arkeen heshiisna ka gaareen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen xallinta khilaafka soo kala dhex galay , gaar ahaan arrimaha dabka kusii shiday xiisadda.

Sidoo kale madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo afjaray xiisaddii siyaasadeed ee ka dhex aloosneyd xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Hadalkan ayey dadka qaar u faristeen mid ka turjumaya in labada madaxweyne ay wax walba ka wada hadleen.

Durba waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah shacabka iyo madaxda mucaaradka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo cambaareeyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu boggiisa facebook soo dhigay ku yidhi: "Waa xad gudub lagula kacay caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen, iyagoo aan soo hadal qaadin xudduntii khilaafka dhalisay".

Arrinta muranka badda

Hase ahaatee su'aasha la isweydiinayay ayaa ku saabsaneyd in Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay awood u leeyihiin iney ka hadlaan arrinta muranka badda.

Lahaanshaha sawirka Office of the Prime Minister-Ethiopia
Image caption Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyay kulanka labada hoggaamiye

Ciid baddal oo ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa BBC-da u sheegay in haddii labo dal ay is khilaafaan loo baahan yahay dhinac saddexaad oo dhexdhexaadiya, laakiin qodobkaas aan jidkii ugu wanaagsanaa loo marin.

"Labada waddan xiriirkoodu wuu go'ay, safiirradii ayaa la eryay, marka jidka ugu habboonaa wuxuu ahaa marba haddii dal saddexaad uu dhex dhexaadinayo inuu ku kulansiiyo caasimadda waddankiisa, sidaas awgeed Itoobiya hadday dhexdhexaadineyso Kenya iyo Soomaaliya, waxay ahayd inay hoggaamiyeyaasha isugu geyso magaalada Addis Ababa", ayuu yidhi Ciid.

Dhanka kale Danjire Ciid wuxuu sheegay in Kenyatta iyo Farmaajo aysan awood u lahayn iney ka wada hadlaan arrinmaha ku saabsan khilaafka badda.

"Arrinta badda ma aha mid uu Abiy Axmed wax ka qaban karo ama Farmaajo uu wax ka baddali karo, umadda Soomaaliyeed way soo jeeddaa, dhulkeedana way ku adagtahay. Arrintu maxkamad bay taallaa waxaana la sugayaa inta uu go'aanka maxkamadda soo baxayo", ayuu yidhi.

Dadaalka Abiy Axmed

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii lasoo dhaafay waxa uu horseeday isbadallo badan oo ka dhacay gobolka geeska Afrika iyadoo sidoo kalena uu isbaddal ku yimid hannaankii diblomaasiyadda.

Lahaanshaha sawirka Office of the Prime Minister-Ethiopia
Image caption Dr Abiy Axmed ayaa dadaal u galay xalinta xiisadaha gobolka

Horay waxa uu usoo afjaray colaaddii muddada dheer ka dhex aloosneyd Itoobiya iyo waddanka dariska la ah ee Eretariya.

Waxa uu sidoo kale xiriir qota dheer la sameystay Soomaaliya, isagoo horseed ka noqday iskaashi ganacsi oo labada dal ay yeelanayaan.

Haddana waxa uu u istaagay inuu waanwaan ka dhex sameeyo Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkooda diblomaasiyadeed uu mugdi badan galay.

Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya siyaasadda ayaa BBC-da u sheegay in saameyn badan uu la yimid Ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

"Abiy Axmed waa nin fikrad cusub ku dhaliyay geeska Afrika iyo Itoobiya gudaheeda, waxaadna mooddaa inuu maskax nool keenay, meel ay gaari doonto Ilaah baa og. Sida muuqata labo arrimood ayuu xoogga saarayaa midda koowaad oo ah inuu adduun weynaha u muujiyo inuu hoggaamiye u noqday guud ahaan gobolka, nabaddana u hor seeday, taasoo laga yaabo inuu ku raadinayo abaal marinta caalamiga ah ee nabadda iyo tan labaad oo ah inuu jiho u helo dhaqaalaha Itoobiya ee ciirciiraya", ayuu yidhi Samatar.

Barfasoor Samatar ayaase dhanka kale Danjire Ciid ku raacay fikirka la xiriira in Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaasha kale toona aysan awood u lahayn iney faragaliyaan arrinta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Isagoo fikirkiisa cabirayay ayuu yidhi: "Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan gorgortan dhanka xuduudda badda ah wayna ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo".

Mowduucyada la xiriira