Xisbiyada siyaadda oo shuruudo laga rabo, maxay yihiin?

Guddiga doorashooyinka qaran oo la kulmay xisbiyada Lahaanshaha sawirka .
Image caption Guddiga doorashooyinka qaran oo la kulmay xisbiyada

Magalaada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay ku kulmay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran iyo xisbiyada Siyaasadda si ay uga arrinsadaan qaabka xisbiyada siyaasaddu tahay in ay dalka uga hawlgalaan.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen shuruudaha ay tahay in ay buuxiyaan xisbiyada siyaasadeed iyo sidoo kale u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda sanadka 2020 ila 2021-ka.

Madaxa Machadka ka shaqeeya arrimaha dowliga ee SIPAM Maxamed Mukhtaar oo soo qaban-qaabiyay shirkan ayaa BBC u sheegay in sidoo kale guddiga doorashooyinka iyo xisbiyada diiwaangashan ay ka doodeen habka diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddiga ayaa shirka kusoo bandhigay daraasad laga sameeyay hababka diiwaangelineed ee loo adeegsado diiwangelinta codbixiyaha oo gaaraya ilaa shan nooc.

Xisbiyada qaar oo talooyin ka dhiibtay noocyada diiwangelineed ee la soo bandhigay ayaa sheegay in marwalba loo baahan yahay in go'aanka la gaadhayo iyo nooca la xulanayo uu noqdo mid ka tarjumaya islamarkaasna la jaanqaadaya duruufaha iyo xaalahadaha gaarka ah ee dalka ka jir, iyo daruufaha ku gaar ah bulshada Soomaaliyeed.

Xisbiyadu waxa ay dhammaantood xarumo ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo kaliya, laakiin waxa uu Maxamed Mukhtar sheegay in xisbiyadu codsadeen in guddiga doorashada iyo hay'adaha kale ee ku shaqada leh ku dhiirogeliyaan maamul goboleedyada inay aqbalaan in xisbiyadu xarumo ku yeeshaan gobolada dalka oo dhan.

"Waxaa xisbiyada laga doonayaa inay xarumo ku yeeshaan 9 gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee dalka si ay u helaan diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbinimo. Waxaa sidoo kale laga doonayaa liiska 10,000 kun oo qof oo buuxiya sharuudaha codbixiyaha" ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo sharaxayay shuruudaha looga baahanyahay xisbiyada.

Madaxa machadka arrimaha dowiliga ah ee SIPAM oo xisbiyada kala shaqeeya arrimaha dowlad wanaagga waxa uu BBC u sheegay in xisbiyada qaarkood tabasho ka muujiyeen hannaanka howlaha doorashada u socdaan. Waxa ay xisbiyadu dalbadeen in doodda iyo tashiga la xiriira nooca diiwaangelinta codbixiyeyaasha la baariyo oo laga dhigo mid qaran.

Guddiga doorashooyinka qaran ayaa xusul-duub ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah inkastoo guddoomiyaha guddiga Xaliimo Ibraahim Ismaaciil maalmo kahor ay sheegtay inay adag tahay in la qabto doorasho noocaas ah. Waxa ay intaa ku dartay in aysan jirin xisbiyo u diyaar ah una abaabulan ka qeybgalka doorasho qaran oo qof iyo cod ah. Waxaa aragtidaas la qaba guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Mukhtar oo madax ka ah machadka arrimaha dowladnimo ee SIPAM.

"Runtii waxkhtiga dowlada u dhiman waa xili kooban, mana muuqato astaan muujineysa inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. haddana ma ahan inaan ka niyad jabano. Waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo ansixiyo shuruucdii loo baahana, gudigana gacan lagu siyaa si waajibaadkii loo igmaday ay u dhameeyaan," ayuu Maxamed u sheegay BBC-Da.

Xisbiyada iyo Guddiga ayaa isku raacay in kulamada noocan oo kale ah la joogteeyo si loo xoojiyo ayna u fududaato isla socodka Guddiga iyo Xisbiyada. Labo sanno uun baa ka dhiman muddo xileedka dowladda, iyo xilliga ay tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka wada dhacda.

Mowduucyada la xiriira