Shan shay oo ay xayawaanku ka shabahaan bini'aadamka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Awoodda dareenka dhanka farxadda, cabsida iyo xanuunka ma'ahan wax gaar u ah bini'aadamka oo kaliye.

Dareemaha qaar ayaa badanaa la aaminsanyahay inay gaar u yihiin bini'aadamka balse taasi ma'ahan xaqiiqada.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan arrinkan oo lagu qoray buuga lagu magacaabo " "The Emotional Intelligence of Animals", oo uu qoray nin jaamici ah oo lagu magacaabo Pablo Herreros.

1. Dhanka cadaaladda

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Sida ay dad badan u kala saari karaan caddaalad iyo caddaalad darrada, daanyeerada ayaa sidoo kale dareema isla taas.

Baaritaan ay samaysay xarunta Yerkes Primate ee ku taala Atlanta, ayaa lagu sheegay in xoolaha qaar ay diideen inay sameeyaan wax iskaashi ah kaddib markii ay dareemeen in si caddaalad darro ah loola dhaqma.

Baarayaasha ayaa qudaar u qaybiyey koox danyeera ah si ay uga qaatan baco.

Balse mid ka mid ah ayaa waxa ay siyeen wax ka duwan qudaartii ay siiyeen kooxdii hore.

Isla markiiba waxa ay diideen inay ka qayb noqdaan tijaabada. Qaar ka mid ah ayaa tuuray qudaartii la siyey.

2. Aargoosiga

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maroodiga

Bini'aadamka oo dhan ayaa dareema damac ku aadan dhanka aargoosiga marar ay soo wajahaan arrimo ay doonayaan inay ka falceliyaan, marka xoolaha ayaa sidoo kale leh dareenka noocan ah.

Xayawaanka ayaa iguna dareema is ciil-kaambinta iyo doonista aargudasho marka qofka tababara uu waxyeelo u geysto.

Xoolaha qaar waxa taageero u muujiyaan saaxibadood, haddii la weerarana waxa ay sameeyaan aargoosi.

3. Jacayl waalidnimo

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bini'aadamka ayaa jacayl u muujiya ilmaha ay dhaleen, balse waxaa sidoo kale jira xawaanaad badan oo jacaylka aadanaha oo kale tusa carruurtooda.

Cilmi baarayaal ka soo jeeda Jaamacad ku taala Tokyo ayaa arkay daanyeer diiday inuu cuntadii uu cunay dhamaysto si uu ilmahiisa u ilaashado.

4. Niyad Jabka

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Baqbaqaa

Niyad jabka dhanka xiriirka ayaa sababta inay dadka wajahaan dhibaatooyin.

Xoolaha qaar ayaa lammaanahooda u ah kuwa daacad ah, waxayna dareeman niyad jab marka uu mid ka mid ah sameeyo wax uusan kan kale filanaynin.

Haddii uu mid ka mid ah dhinto, mid kale waxa uu wajahaa naxdin, waxa uuna joojiyaa cunnida cuntada.

5. Naxariis iyo niyad dhis

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bini'aadamka ayaa naxariis u muujiya mid kooda u baahan.

Sida ay saynisyanada sheegeen, in xayaawanada qaar ay sidoo isku muujiyaan naxariis.

Mowduucyada la xiriira