Mucjisadii Barafka: Kooxda xeegada barafka Soomaaliya

Kooxda Xeegada Barafka Lahaanshaha sawirka .
Image caption Kooxda Xeegada Barafka

Soomaalidu taariikh soo jireen ah uma laha ciyaarta lagu ciyaaro barafka dushiisa ee looyaqaan xeegada barafka , sidaas darteed dad Soomaaliyeed oo qurbo joog ah ayaa asaasay koox noqotay tii ugu horeysay ee Afrikaan ah ee ka qeyb gasha tartanka ciyaaraha aduunka ee xeegada barafka sannadkii 2013-kii.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sweden oo taageeraysa ganacsatada Somaliland

Kooxdan waxaa lagu aasaasay magaalo yar oo ku taala Sweden oo lagu magaacbo Borlange ,magaaladan waxaa ku nool Soomaali tiradooda lagu qiyaaso afar kun oo qof.

Sannadkan ayay markii 7-aad ka qeybgaleen ciyaaraha barafka caalamiga ah oo lagu qabtay dalka Sweden.

Kooxdan sidee loo sameeyey?

Ciyaartan waxaa aad looga isticmaalaa waddamada cimilada barafka u saaxiibka ah,maskaxda kuma soo dhacayso in dhallinyaro ka timid dalalka ugu cimilada kulal aduunka ay u suurta gasho in ay bartaan ciyaaro dhaqameedka barafka.

''Kooxdan waxey ku bilaabatay mashruuc ah is dhexgal si bulshooyinka loo yimid ay isu fahmaan waayo Soomaalida waxaa laga aaminsanaa inay yihiin dad xun oo aan wanaagsanayn ,qorshahan waxaa bilaabay Patrik Andersson oo ah muwaadin u dhashay dalka Sweden,markii hore dadku wey aamini waayeen soomaali ayaa baraf ku dul ciyaaraysa,waqti kooban Ayaan u haysanay inaan kaga qeyb galno koobka xeegada barafka oo ka dhacay Ruushka riyadaasi way noo romowday'' sidaas waxaa BBC-da u sheegay kabtanka kooxda Xassan Xamse Faarax.

Kooxdan waxey badashay sawirkii laga haysatay dadka soo galootiga ah gaar ahaan soomaalida,waxaa soo baxay filim loogu magac daray Trevligt Folk oo ah dadkii wanagsanaa,filkan waxaa laga sameeyey sooyaalka kooxdan.

Yaa Taageera kooxdan?

Kooxdan ma helaan tageero dadweyne iyo mid dawaladeed Xassan Xamse markale wuxuu wareysigiisa ku sheegay ''runta hadaan kuu sheego kama helno wax tageero ah dawlada soomaaliya kooxdan iyada ayaa is wada dhaqaalaha ugu badan waxaa ka helnaa shirkaddo swidhish ah balse dadka soomaalida guubabo waan ka helnaa''

Ciyaartoydan ayaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin mustaqbal fiican marka loo eego kulamada ay la sameeyaan dadka hidaha iyo dhaqanka u leh ciyaata xeegada barafka.

Kooxda qaranka soomaaliyeed ee xeegada barafka ayaa ka qeyb galay sannadkii todobaad tartanka koobka xeegada barafka aduunka.

Mowduucyada la xiriira