Sanduuqi madoobaa ee diyaaraddi dhacday maxaa Faransiiska looga diray?

Sanduuqa Madoow ee duuba xogta diyaaradaha Lahaanshaha sawirka WIN MACNAMEE
Image caption Sanduuqa Madoow ee duuba xogta diyaaradaha

Sanduuqi codka duubayey ee diyaaraddi dhacday ee Boeing 737 Max 8 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee burburtay xogta sanduuqa ku duuban si loo ogaado ayaa loo diray dalka Faransiiska.

Sanduuqa madoow (Black Box) waxaa looga tala galay diyaarad kasta duullimaadka ay sameeyneyso inuu duubo wuxuuna sida oo kale uu xafidiyaa dhammaan xogta la xidhiidha qaybaha diyaaradda iyo sida ay u shaqeeyaan, wuxuuna sanduuqu awood u leeyahay inuu mudda dheer uu hayo xogta uu mar duubo.

Wuxuuna sanduuqu awood u leeyahay 25 saacadood oo xiriir ah inuu xogta diyaaradda uu duubo isla-markaana uu keydiyo.

Wuxuuna ka kooban yahay laba qaybood qaybta codadka keli ah duubto oo ku taallo qolka ay duuliyeyaashu fadhiistaan halka qaybta xogta kale ee qaybaha diyaaradda duubtana ay ku taallo qaybta ugu dambeysa diyaaradda taasoo looga tala galay haddii uu shil dhaca iney sanduuqa waxba soo gaarin.

Diyaarad kasta oo burburta in ahmiyadda koobaad la siiyo sidi sanduuqaasi madoow loo heli lahaa waxaa ugu wacan waa xogta la isku halleyn karo oo sanduuqaasi ku duuban.

Lahaanshaha sawirka BEA
Image caption Sanduuqi Madoobaa ee diyaaraddii Burburtay

Miisaanka sanduuqana waxaa lagu qayaasaa inuu ku dhaw yahay miisaanka batariyada gawaarida ee dhexe ama wax badan uu ka cusleyn.

Sanduuqa in dhaqsa la helana waxaa gacan ka geeysta raadaar ku xidhan oo dadka baadi goobaya sanduuqa u sheegaya halka uu ku jiro.

Itoobiya maxay dalkeeda ugu baari weyday sanduuqa?

Sanduuqa xogta ku duuban in la akhriyo ama laga soo saaro waxay u baahan tahay aqoon iyo teknooloojiyad casri ah marka shirkadaha diyaaradaha caalamka intooda badanna awood uma laha iney baaraan.

Sidaa darteed waddanka kale ee ay isleeyihiin waa lagu baari karaa ayaa loo diraa. Itoobiyana maadaamaa ay awood u lahayn iney sanduuqa baarto aqoonta shirkadduna heerka gaarsiisneyn waxay caawimaad ku saabsan sanduuqa xogtiisa in loo soo baaro ay u xil saaratay dalka Faransiiska?

Lahaanshaha sawirka JONATHAN DRUION

Diyaarad Boeing 737 MAX 8 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya oo dhawaan ku burburtay gudaha dalkaasi waxaa ku dhintay dhammaan 157-dii qof ee saarneyd.

Mowduucyada la xiriira