Farmaajo iyo Geelle oo ku kulmay Muqdisho

Kulanka labada Madaxweyne
Image caption Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehliyaan golahooda wasiirrada ayaa kulan laba geesood ah ku qaatay xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxayna labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Image caption Madaxweyne Farmajo iyo Ra'isal wasaare Kheyre

Madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay "kulankan inuu yahay kulan taariikhi ah oo ka tarjumayo xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah."

"Waana inaan xoojinnaa iskaashiga dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga, arrinta ugu muhiimsanna ay tahay arrinta Amniga ee la dagaallanka qolooyinka argagixisada ah" ayuu yiri. "

Madaxweyne Farmaajo wuxuu mahad gaar ah uu u soo jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida uu u hggaamiyo hoggaaminta la dagaallanka argagixisada."

Image caption Wafdiga Jabuuti uu hoggaaminayo Madaxweyne Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu dhankiisa ka sheegay "inuu farriin walaaltinimo, hambalya iyo dhiirragelinba uu ka wado shacabka reer Jabuuti ."

"Dadweynaheennana waxay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno, dhib iyo dheefba inaan isku duubnaanno, annaguna had iyo jeer wehel Ayaan idiin nahay" ayuuna sii raaciyey madaxweyne Geelle.

Sida ka muuqatay hadallada labada madaxweyne ay wadahadalka isku dhaafsanayeen ay ku qotomeen sidi xiriirka labada dal loo sii xoojin lahaa.

Lahaanshaha sawirka VILLA SOMALIA
Image caption Soo dhaweynta wafdiga Jabuuti

Wafdiga sare uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho laba maalmood ah ku joogi doona dalka Soomaaliya waxaa la filayaa iney xarigga ka jari doonaan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo Muqdisho laga dhisay.

Waxayna la kulmi doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka tirsan AMISOM oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ee loo yaqaanno 'Hiil Walaal'.

Lahaanshaha sawirka VILLA SOMALIA
Image caption Labada Madaxweyne Xilli ay Villa Somalia sii galayeen

Wafdiga uu horkacayo maxweyne Geelle waxaa ka mid ah Xildhibaanno, Wasiirro iyo la taliyeyaal iyada oo xubna kale oo wafdiga qayb ka ahna ay mar dhaw soo gaareen magaalada Muqdisho.

Wafdiga Geelle waxaa ka soo horreeyey oo magaalada Muqdisho soo gaaray fannaaniin caan ah oo ay dalka Soomaaliya ugu dambeysay tani iyo marki ay dhacday dowladdi Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.

Lahaanshaha sawirka VILLA SOMALIA
Image caption Xasan Adan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal

Waxaana Fannaaniintaasi caanka ah ka mid ahaa Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo uu wehliyo fannaanka Cawaale Aadan iyaga oo si weyn loo soo dhaweeyey.

Amniga magaalada Muqdishana si weyn ayaa loo adkeeyey wixi ka dambeeyey imaashaha Wafdiga saree e ka socda jabuuti uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle..

Mowduucyada la xiriira