Wajiga kale ee Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed

Kumannaan shacab ah oo ku barakacay isku dhacyo beeleedyo dalka Itoobiya ka dhacay Lahaanshaha sawirka FANA
Image caption Kumannaan shacab ah oo ku barakacay isku dhacyo beeleedyo dalka Itoobiya ka dhacay

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa wax badan ka qabtay siyaasadda dalka Itoobiya iyo geeska Afrika haddana waxaa jira waxyaabo uusan wax ka qabanin oo lagu dhaliilo.

Dr Abiy wuxuu saakay waabarigii uu booqasho uu ku tagay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shuxuubta Koonfureed ka tirsan, barakacayaashuna waxay Dr Abiy u soo jeediyeen cabashadooda iyo baahiyaha ay qabaan.

Dr Abiy wuxuu ballan qaaday in xukumaddiisa oo kaashaneysa hay'adaha samafalka ay gargaar bani aadaminimo oo degdeg ah la soo gaarayso, sidoo kalena ay gargaarkii ugu horreeyey dowladdu gaarsiisay maalintii shalay.

Lahaanshaha sawirka FANA
Image caption Kumannaan shacab ah oo ku barakacay isku dhacyo beeleedyo dalka Itoobiya ka dhacay

Hase ahaatee tan iyo intii uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed bishi April 2018, wuxuu ku tallaabsaday tallaabbooyin aad loogu bogaadiyey oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba uu ka qabtay, waxaana tallaabbooyinkaasi ka mid ah:

  • Maxaabiista siyaasadeed oo xabsiyada ku jirtay oo dhan uu oodda ka qaaday
  • Dhammaan xisbiyada iyo jabhadaha dal iyo dibadba ku sugnaa oo dowladda ka soo horjeeday oo uu cafis u fidiyey
  • Xorriyatul qawlka, dibadbaxyada iyo mudaharaadyada dowladda looga soo horjeedo oo uu fasaxay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dr Abiy Axmed Cali
  • Colaaddi muddada labaatanka sano ah dalkiisa kala dhaxeysay Eretriya oo uu soo afjaray
  • Shuruud dhawr ah oo hor taagneyd dimuqraadiyada iney ka hirgasho Itoobiya oo uu laalay
  • Jabuuti iyo Eretriya oo uu wada hadashiiyey si ay khilaafkooda u soo afjaraan
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  • Geeska Afrika wuxuu ka sameeyey isbahaysi waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretriya ay isku baheysanayaan
  • Cunaqabateyntii Eretriya saarnayd in laga qaado oo uu u ololeeyay kuna guuleystay
  • Xiriir intaa dheer uu la billaabay South Sudan, Sudan, uganda iwm...

Maxaa lagu dhaliilaa Ra'isal wasaare Dr Abiy muddadii uu xilka hayey?

Muddada uu Ra'isulwasaare Dr Abiy Axmed uu xilka soo hayey inkasta oo waxqabada badan uu muujiyey haddana waxaa lagu dhaliilaa in aanu xoogga saarin arrimaha ay ka midka yihiin isku dhacyada beelaha oo sababay dhimasho iyo dad ku barakacay dalka gudahiisa oo malaayiin ah.

Dad ku barakacay dagaallo beeleedyada ka dhacay dalka gudahiisa oo ay dowladda wax ka qaban weyday kaddibna gaajo iyo macaluul xooggan ay ku habsatay.

Barakacayaashaasi aan waxba loo qabanin waxaa ka mid ah dad soo barakacay ee ku sugan xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida oo ay ku sugan yihiin kumannaan qoxooti ah oo ka soo barakacay deegaanka Oromada oo xoolahoodii iyo hantidoodiina lagala hadhay.

Lahaanshaha sawirka HALGAN MEDIA
Image caption Xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida

Barakacayaal nus malyuun kor u dhaafaya ayaa ku sugan gobollada Guji ee deegaanka Oromada iyo Gedeo ee Deegaaka Shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya.

Barakacayaal 200,000 oo qof kor u dhaafaya ayaa ku jira xerooyin ku yaalla deegaanka Amxaarada, kuwaas oo dawladdu aanay wax gargaar ah gaarsiin.

Waxaa dhanka kale jira Barakacayaasha gobolka Jimmaa ku sugan oo ka soo barakacay dagaallo beeleedyada dhex maray deegaanka Benishaangul iyo deegaanka Oromada oo ku yaallo galbeedka dalka Itoobiya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Saaemyta ay abaaraha ku yeesheen xoolo dhaqatada

Barakacayaasha Gobolka Siti oo ka tirsan deegaanka soomaalida oo ay ku sugan yihiin kumannaan qof oo Soomaali ah oo ay soo barakiciyeen liyuu booliska deegaanka canfarta oo xoolahoodiina laga dhacay ilaa iyo haddana ay waxba u qabanin dowladda deegaanka iyo dowladda dhexe midna.

Lahaanshaha sawirka Xeer News24
Image caption Barakacayaasha gobolka Siti ku sugan

Isu socodka waddanka oo kala xidhan sida deegaanka Amxaarada iyo Tigreeda, Soomaalida iyo Oromada, Benishaangul iyo Oromada oo kala xiran.

Dagaallada in mudda ah ka socday Mooyaale, Baabili, Tulli Guuleed iyo deegaanno kale oo xad la wadaago deegaanka Oromada oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida dad tira badan oo ku barakacay oo waxba loo qaban.

Image caption Sawir laga qaaday magaalada Mooyaale oo dagaal uu ku socdo

Arrimahaasi iyo kuwa kale oo aad u badan oo isbiirsaday ayaa waxay keentay in Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed lagu dhaliilo lana yirahdo gurigiisa oo gubanaya ayuu guriyaha dersikiisa sida uu u bakhtiin lahaa uu ku dadaalaa.

Abaaraha iyo Biya la'aanta

Deegaannada dalka Itoobiya uu ka kooban yahay ee sagaalka ah sida ay shaacisay wakaladda ka hortagga iyo u diyaargarowga masiibooyinka Itoobiya "in dad ka badan 8 milyan oo ku kala nool 6 deegaan oo ka tirsan dalka Itoobiya ay soo food saartay gaajo iyo macluul aad u daran".

Wakaaladda oo hay'adaha caalamka ugu baaqday iney gargaar bani aadaminimo oo degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi dhibaateysan.

Dhibaatooyinkaasina waxay wakaaladdu u sababeysay roobabka oo sanadkan yaraa, biya la'aan iyo dhibaatooyin ka abuurmay colaada dalka gudahiisa ka dhacay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Abaarta waxay saameysay deegaano badan oo Soomaalida ay deggan yihiin

Haddaba dadka u kuurgala siyaasadda Itoobiya waxay Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed kula taliyaan "inuu hoos u eego xaaladda dalkiisa ee cakiran oo ay la hareen dagaallo beeleedyo aan dhammaad lahayn iyo barakacayaal malaayiin ah oo dalka gudahiisa ku barakacay oo ay dowladda warba u hayn.

"Tiisaba daryeelaa tu kala ku dara" waa hadalka ay warbaahinta dalka Itoobiya ee madaxa bannaan iyaga oo dhaliilaya ay u soo jeediyaan Ra'isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Mowduucyada la xiriira