Dadki ku dhintay shilki diyaaradeed oo maanta looga baroordiiqay Addis Ababa

Baroordiiq lagu qabtay Addis Ababa Lahaanshaha sawirka FANA
Image caption Baroordiiq loo sameeyey dadki ku dhintay shilka diyaaradeed

Qaar ka mid ah dadki ku dhintay shilki diyaaradeed oo toddobaadki hore dhacay ayaa maanta looga baroordiiqay magaalada Addis Ababa.

Diyaaraddi Axaddi hore burburtay ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya uu nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 ayaa Kaniisadda Sillaase oo ku taalla Addis Ababa baroordiiq loogu sameeyey.

Baroordiiqa oo saaka ka dhacday Addis Ababa waxaa ka soo qayb galay qoysaski ay eheladooda ku dhinteen shilkaas iyo madax kale oo dowladda ka tirsan.

Xubnaha baroordiiqa ka soo qayb galayna waxaa ka mid ahaa Madaxa guddiga shirkadda diyaaradaha Itoobiya Abadula Gemede, Ku xigeenkiisa Arkabe Uqubaay, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo mas'uuliyiin kale iyaga oo ubax dhigay madasha looga tala galay baroordiiqa.

Diyaaraddi Itoobiya ee toddobaadki hore burburtay waxaa ku dhintay dhammaan 157-kii qof ee saarneyd. Dadka ku dhintay oo isugu jiray muwaaddiniin u kala dhashay 35 dal waxaa ka mid ahaa 18 qof oo u dhalatay dalka Itoobiya.

Mowduucyada la xiriira