Carruur iskuul loo xirey sawir madaxweyne oo ay ku feegaareen

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurumziza Lahaanshaha sawirka STR/AFP/Getty Images
Image caption Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurumziza

Saddex hablood oo carruur iskuul ah ayaa lagu xirey dalka Burundi waxayna wajahayaan 5 sanno oo xabsi ah kadib markii ay qalin ku feegaareen sawirka madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, sawirkaas oo ku yiilay buugaagtooda daabacan.

Arrinkan ayaa waxaa shaacisay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watc.

Markii koowaad ciidanka waxa ay xireen illaa 7 carruur iskuul ah, balse dib ayaa laga siidaayay 4 ka mid ah kadib markii lagu soo eedeeyay in ay u gafeen madaxweynaha dalkaas.

Agaasimaha Hay'adda HRW ee Bartamaha Afrika Lewis Mudge ayaa sheegay in xitaa carruurtii xabsiga laga siidaayay ay raashiinkii qaadin la'yihiin cabsi iyo hanfariir awgiis.

"Saraakiisha dowladda waa in ay waqtigooda ku bixiyaan sidii ay usoo xiri lahaayeen dambiilayaasha dhabta ah eek u xad gudba xuquuqda dadka, ee ma ahan carruuraha la xirxiro" ayuu yiri agaasimaha.

Ma ahan markii koowaad oo carruur loo xirxiro sababo siyaasadeed awgood, 2016-kii ayaa sidan oo kale loo xirxiray carruur la sheegay in ay madaxweynaha wax ka sheegeen.

Mowduucyada la xiriira