lix qaab oo loo isticmaali karo diyaaradaha aan bartilmaameedka ka habaabin

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Khubarada ayaa saadaalinaya in sanadaha soo socda ay diyaaradahan adeegyo geyn doonaan Britain.Experts.

Goob ka caagan duulimaadyada oo qiyaasti 5 kiilomitir uj irta garoomada diyaaradaha ee UK ayaa haatan loo ogolaaday inay ka howlgalaan diyaaradaha aan bartilmaameedka ka habaabin.

Xilli hore, goob hal kiilomitir keliya oo ka caagan duulimaadyadan ayaa halkaasi ku taalay.

Inkastoo howlwadeenada garoomadan ay fikrad qaldan ka heesteen adeegsiga diyaaradaha aan bartilmaameedka ka habaabin, haddana sidaasi uma xuma.

Diyaaradahan ayaa loo adeegsadaa baadi-goobka iyo helitaanka dadka la la'yahay iyo sidoo kale geynta alaabaha goobaha fogfog.

Soo helitaanka dadla la waayo gudbinta allaabaha, ayaa halkan, waxaana halkaan ka aqrisaneynaa sida ay muhiim u yihiin adeegooda.

1.Samatabixinta

Nin la waayay bishii June ee sanadkii hore ayaa lasoo helay kaddib markii booliisku ay u adeegsadeen baadi-goobkiisa diyaaradahan.

Peter Pugh, oo 75 sano jir ah, ayaa kusii jeeday hoygiisa markii lagu dhex waayay fatahaad xoogan.

Waxuu sheegay inuu isku dayay inuu ku dhex dabaasho fatahaada balse uu ku xayirmay maadaama ay aad u burqanaysay.

22 saacadood kaddib markii la waayay, booliiska ayaa adeegsaday diyaaradan si loosoo duubo muuqaalka ninkan.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Peter Pugh oo ah ninka lasoo badbaadiyay ayaa la sawiran xaaskiisa

Booliisku waxay sheegeen inaysan si degdeg ah u soobadbaadin lahayn hadaysan adeegsan diyaarada aan bartilmaameedka ka habaabin maadaama uu biyaha hoostooda ugu jiray.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku rakiban kaamirooyin waxayna booliisku u isticmaalaan si loogu baadi-goobo dadka lagu waayo gudaha Mareykanka.

Gudaha dalka Australia, samatabixiyayaasha ka shaqeeya gurmadka badda hoosteeda ayaa sidoo kale adeegsaday markii ugu horeysay sanadkii lasoo dhaafay.

Diyaarada ayay ku qaadatay 70 ilbiriqsi inay gaarto labo qof oo badda hoosteeda ku xayirna, ka hor inta aan lasoo badbaadin.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Diyaaradaha aan bartilmaameedka ka habaabin

Waxaa lagu qiyaasay in ilaalada badda haddii ay isku dayi lahaayeen samatabixintooda ay ku qaadan lahayd qiyaastii 6 daqiiqo.

2.Baadigoobka noocyo ka mid ah kalluunka

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ilaalada xeebaha ayaa rajeynaya inay yareeyaan weerarada kalluunkaan iyagoo adeegsanaya diyaaradahan

Dalka Australia ayaa bilaabay adeegsiga diyaaradahan casriga ah si loogu baadi-goobonoocyada kaluunka loo yaqaano (Sharka) , iyo in lala socdo halista uu u geysan karo dadka xeebaha usoo dalxiisa.

Diyaaradahan ayaa duubo muuqaalo xilliga howlgalka, aad ayaana loogu kalsoon yahay muuqaaladooda markii loo eego kuwa ay soo duubaan aadanuhu.

3. Sawirida iyo khariidada

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Diyaaradaha lagu qaado sawirada khariidooyinka

Dalka Tanzania ayaysan ka jirin khariidad sax ah oo lagu kalsoonaana karo waxayna arrintaasi culees badan ku keenta tira koobka dadka iyo hay'addaha maareynta musiibooyinka ee ka howlgala dalkaasi.

Sawirada lagu qaado dayax-gacameedka ayaa si wacan looga arkin goobaha kharirdada ah ee dhulka, sida uu BBC-da u sheegay Edward Anderson, oo u qaabilsan Bankiga adduunka qorsheynta magaalooyinka iyo ka hortaga musiibooyink.

4.Geynta gurmedka degdega ah

Sanadkii 2016 dowladda UK ayaa sheegtay inay kala shaqeyneyso shirkadda Amazon in diyaaradahan ay keenaan alaabaha Britain. Hanaankaasi ayaana ah mid wali lagu howlan yahay.

Andy Sage, oo madax ka ah hay'adda xakameynta duulimaadyada ee dalka Britain ayaa u sheegay BBC inuu rajeynayo in adeegyo badan ay diyaaradahan keeni doonaan Britian sanadkaan.

Lahaanshaha sawirka ZIPLINE
Image caption Diyaaradaha aan bartilmaameedka ka habaabin

5.Yareynta xasharaadka baabi'iya dalaga

Beeraleyda ayaa u adeegsada diyaaradahan inay uga buufiyaan cayayaanka diliya beerahooda, iyo sidoo kale inay beeraha fogfog ku gaarsiiyaan sunta cayayaanka ee ay dalagooda uga ilaalsanayaan xasharaadka dhibta ku haya.

Shirkad beeraha ah oo Faransiiska laga leeyahay laguna magacaabo Ocealia ayaa sheegtay inay aragtay celcelis ahaan boqolkiiba 10 kobaca dalaga beeraha kaddib markii ay bilwoday adeegsiga diyaaradahan casriga.

6.Illaalinta deegaanka

Dalka Indonesia, diyaaradahan ayaa loo adeegsadaa qaab waxtar leh waxaana lagu ilaaliya badqabka deegaanka.

Sidoo kale waddanka ayaa looga adeegsadaa in lagu ogaado caafimaadka duurjoogta, iyo muujinta waxyaabaha sharcidarrada ah ee dhacaya.