Mareykanka: Caro ka dhalatay sii deynta askari caddaan ah oo wiil madow dilay

USA Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Michael Rosfeld ayaa la sheegay in dembi lagu waayay

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka kaddib markii la sii daayay askari caddaan ah oo si ula kac ah u toogtay wiil madow ah oo dhalinyaro ah.

Michael Rosfeld, oo 30 sano jir ah, ayaa bishii June ee sanadkii hore saddex jeer dhabarka ka toogtay Antwon Rose oo 17 sano jir ahaa, isagoo ka baxsanayay booliiska.

Askarigaas ayaa sanadkii hore lagu xukumay dil, balse garsoorka ayaa Jimcihii ku waayay wax dembi ah.

Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa magaalada Pittsburgh isugu yimid isla markaana xiray waddooyinka.

Aabbaha Rose, Antwon Rose Sr, ayaa khudbad u jeediyay dibad baxayaasha wuxuuna ku baaqay dibadbax aan rabshado wadan.

Dilka Antwon Rose ayaa ka mid ah kiisas badan oo ku saabsan rag madow ah oo ku dhintay gacanta saraakiil booliis caddaan ah oo Mareykanka u dhashay.

Maxaa ku dhacay Antwon Rose?

Saraakiisha ayaa istaajiyay gaariga Rose, iyadoo ay sababtu tahay inuu u ekaa gaari laga shakisan yahay, sida uu booliisku sheegay. Rose ayaa xilligaas ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa.

Lahaanshaha sawirka ANTWON ROSE/FACEBOOK
Image caption Antwon Rose, 17, ayaa saddex jeer la toogtay isagoo ka cararaya booliiska

Markii darwalka la istaajiyay laguna amray inuu gaariga ka soo dego, Rose iyo qof kale oo rakaab ahaa ayaa cararay. Rose ayaa dhowr jeer laga toogtay dhabarka, gacanta, wajiga iyo caloosha. Dhaawacyo soo gaaray ayuuna markii dambe u geeriyooday.

Saraakiisha xilligaas ma aysqn wadan kaamirooyin, balse muuqaal uu duubay qof waddada marayay ayaa aad la iskula dhex maray, waxayna taasi horseedday maalmo dibadbaxyo ah oo ka dhacay Pittsburgh.

Mowduucyada la xiriira