Duufaanta Idai: Tira dhimasha cusub oo laga soo sheegay dalka Mozambique

Duufaanta Idai Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaalaha gurmadka oo meydad ku guraya diyaarad Helikoobtar ah

Tirada dadka ay duufaanta Idai ku dishay waddamada Afrikada Koonfureed ayaa la sheegay iney sii kordheyso.

Wasiirka Dhulka iyo Deegaanka Mozambique Celso Correia ayaa sheegay dadka ku dhintay duufaanta oo ahayd 241 iney hadda mareyso 417.

Tirada dhimasha cusub ee waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi waxay gaartay 700 qof iyada oo la sheegay iney dhici karto tiradaasi iney sii korodho.

Duufaantu dalka Zimbabwe ku dhufatay waxay ku dishay 259 qof, Malawi 65 qof iyada oo roobabka mahiigaan ee halkaasi ka da'ay ay qayb ka qaateen kororka dhimashada.

Qaramada midoobayna waxay sheegtay iney tirada kama dambeysta ah ee dadka duufaanta Idai ku waxyeelloobay soo saareyso marka ay biyaha meel walba fadhiyo engagaan waddooyinkana furmaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kumannaan qof oo ay daadadku go'doomeen oo gurmad u baahan ayaa ku sugan dalalka Afrika Koonfureed

Hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan iskuduwida arrimaha baniaadaminimada ee UN-OCHA waxay sabtidii sheegtay wabiyada Buzi iyo Zambezi inay qarka u saaran yihiin iney gabiyada jabsadaan.

Iskuduwaha hay'adda OCHA Sebastian Rhodes Stampa, wuxuu sheegay xogta ilaa iyo hadda ay hayaan iney duufaantu saameysay 1.7 milyan oo qof oo ku nool waddamada ku yaalla Afrikada Koonfureed.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
'Tuulo ay qarqiyeen roobabkii duufaanta'

Duufaanta Idai oo 14-ka March ku habsatay deegaannada ku dhaw dhaw magaalada Beira waxay saameysay 500,000oo qof iyada oo ay duufaantana ku socotay xawaara dhan 177km saacaddiba.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay in Ku dhawaad 90,000 oo qof oo ku nool dalka Mozambique oo ay duufaanta saameysay la dajiyey xerooyin ku meel gaar ah.

Mowduucyada la xiriira