Waalidiin loo haysto ilma shan bilood jira oo u dhintay gudniin

.

Ilmo shan bilood jira ayaa u dhintay gudniin waalidiintiisa ku gudeen gurigooda oo ku yaala Talyaaniga, sida ay saraakiisha sheegeen.

Ilmaha ayaa la geeyey isbitaalka habeenkii Jimcaha, balse isla markiiba waa uu geeriyooday.

Maamulka gobolka Reggio Emilia ayaa furay baaritanno ka dhan ah waalidiinta, iyada oo la sheegay in waalidiinta ay u dhasheen dalka Ghana.

Kudhaawad 5,000 kiis oo gudniin ah ayaa la sheegay sannadkii laga fuliyo Talyaaniga, balse saddex jibaar si sharci darro ah ayaa loo sameeyaa, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka.

Dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka ayaa ka yimid dalal Musliimiin ah, halkaas oo uu gudniinku ku badanyahay.

Gudniinka ma yahay mid halis leh?

Iyada oo ay ku xirantahay habka caafimaad ee la qaado, ma'ahan mid uu khatar ka maranyahay.

Waxaa jira cadayma ah in halista ugu badan ay wajahaan gabdhaha marka la barbardhigo wiilasha.

Dhibaatada ugu weyn ee dhanka qalitaanka ka soo gaarta ayaa ah dhiig baxa iyo jeermiska.

Gudniinka sharci darro kama ahan gudaha Yurub, balse dhaqankan ayaa noqonaya mid muran badan dhaliyay.

Maxkamad ku taala German ayaa mamnuucay 2012-kii kaddib markii ilmo afar sano jira ay naftiisa khatar gashay.

Hase yeeshe, dowladda German ayaa dabayaaqadii isla sannadkaas shaacishay inuusan ahayn mid dambi.