"Wiilkaygii gaajo ayuu u dhintay"

Loriaban Ngikolomo waxa uu sheegay in uu iska dhiman karo, balse carruuntiisa uu u baqayo.
Image caption Loriaban Ngikolomo waxa uu sheegay in uu iska dhiman karo, balse carruuntiisa uu u baqayo.

Loriaban Ngikolomo waa oday waayeel ah oo ku nool miyiga gobolka Waqooyiga Galbeed ee Kenya kuyaal ee Turkana waxa uuna ku sugan yahay dhul aan biyo iyo baad toona lahayn oo ay saamaysay abaartu.

Geedaha ay abaartu qallajisay hoostooda ayuu ku aasay wiilkiisii. Dhowr daqiiqo kadibna waxa uu maciin biday isla geedahaas aan harka qumman lahayn.

Mr Ngikolomo waxa uu BBC-da u sheegay in wiilkiisu uu gaajo u dhintay, inkastoo xukuumadda dalka Kenya ay ku adkaysanayso in aanay jirin cid u dhimatay abaarta ku dhufatay Waqooyiga Kenya awgeed.

Waxa uu intaas kudaray asagoo murugo badani ka muuqato in macaluushu aanay dhib badan ku hayn oo uu soo noolaa muddo dheer balse uu ka walaacsan yahay caruurta kale ee 10-ka gaaraya ee macaluusha la ildaran.

"Waxaan ka warwarsanahay in caruurtu ay gaajo u dhintaan. Mahayo wax kale oo aan siiyo oo aan ka ahayn diirka geedaha. Haddii aanan kaalmo helin geeri ayaan qarka u saarannahay" ayuu yiri Mr Ngikolomo

Qaybo kamid ah dalka Kenya ayaa muddo bilo ah roob la'aan ahaa. Arrintaas oo keentay in cimiladu ay sii kululaato gaar ahaan deegaanada miyiga ah.

Abaarta ayaa haatan faro ba'an ku haysa dad kor u dhaafaya hal milyan oo qof oo reer Kenya ah.

Dadka aadka u nugul ayaa ah carruurta iyo waayeelka, balse xukuumadda Kenya waxay ku adkaysatay in dalkaasi uu haysto cunto ku filan ayna gaarsiin doonaan cid kasta oo baahan.

Image caption ,

Mowduucyada la xiriira