Maroodi 'lamaane sameysan waayay oo caro lasoo galay magaalo'

Maroodi dhex socda magaalada Meng'a Lahaanshaha sawirka CCTV 13, China
Image caption Maroodi dhex socda magaalada Meng'a

Ka warran haddii subax aad waddada caadiga ah ee magaalada isaga hor imaataan Maroodi?

Waddooyinka magaalada Meng'a, oo ka tirsan gobolka Yunnan ee dalka Shiinaha ayaa lagu dhex arkay maroodi ay caro ka muuqato.

Maroodigan ayaa lagu soo warramay in si khasab ah looga soo dhex saaray raxantii uu ku dhex jiray, ee ay duur joogta isla ahaayeen.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha xayawaanka ayaa sheegay in sababtii maroodigan, oo lab ah, raxanta looga soo eryay ay ahayd maadaama uu ku guul darreystay in uu yeesho lamaane dhadig ah.

Arrintaas ayey sheegeen in ay ku abuurtay caro, isla markaana wajigiisa laga dareemayay inuusan faraxsaneyn.

Dadkii magaalada ee xilligaas waddooyinka marayay ayaa si aad ah uga argagaxay xayawaanka aysan filaneynin ee jidka dhex socday.

Xayawaankan ayaa intii uu waddooyinka ku socday aan dadka waxyeello u geysanin, balse waxaa lasoo tabiyay in uu dhowr gaari burburiyay.

Muddo 30 daqiiqo ah oo uu ku wareegayay waddooyinka ayuu burburiyay ilaa 9 gaari.

Ciidamada booliska iyo shaqaalaha dab damiska oo iskaashanayay ayaa markii dambe ku guuleystay iney magaalada ka saaraan.

Mowduucyada la xiriira