Cudurka jadeecada oo Maraykanka ka dilaacay

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxaa magaalada New York looga dhawaaqay xaalad deg-deg ah ka dib markii ay jadeeco ba'an ka dillaacday halkaas.

Gobolka Rockland, oo ku yaala waqooyiga Hudson ee magaalada New York, ayaa carruurta aan la tallaalin laga mamnuucay goobaha dadweynaha inay tagaan ka dib markii 153 xaaladood oo xanuunka jadeecada la xaqiijiyay.

Ku xadgudubka amarkan ayaa ciqaabtiisa noqon doontaa ganaax dhan $ 500 (£ 378) iyo ilaa lix bilood oo xabsi ah

Baaqan oo Talaadadii la diray ayaa waxa la socotay in cuduro kale ee ka dillaaceen Washington, California, Texas iyo Illinois

Heerarka talaalka ayaa si joogta ah hoos ugu dhacay Maraykanka iyada oo waalidiin badani ay diidaan talaalka sababo la xiriira falsafad ama diin, ama waxay rumaysan yihiin in macluumaadkan ay yihiin kuwo marin-habaabinaya , talaaladuna ay sababaan cudurka autism ee ku dhaca carruurta

"daacadii arrintaan kama fadhiisan doonno , marka ay caruurta jaaliyadeena khatar ay ku sugan yihiin ," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray maamulka gobolka Rockland mudane Ed Day

"Tani waa dhibaato caafimaad oo guud oo waa waqtigii lagu dhawaaqi lahaa digniinta."

Muxuu gobolka u qaaday tallaabadan?

Dhibaatada ka jirta Gobolka Rockland waxaa ku badanyahay bulshada Yuhuudda ah, New York Times ayaa sidaas sheegtay. Waxaa la rumeysanyahay inay ku faafi karto meelo kale oo ka mid ah deegaanada ay ku badanyihiin dadka haysta diinta Orthodox ee ku yaalla New York oo horeba ay ooga dilaacday jadeeco.

Mudane Day ayaa sheegay in kormeerayaasha caafimaadku ay "iska caabin" kala kulmeen qaar ka mid ah dadka degaanka dagan, oo uu ku tilmaamay "wax aan la aqbali karin oo mas'uuliyad darro ah".

"Waxaa loo sheegay" Kama doodayno arrintan, dib ha u soo noqnoqonina,' markaan booqanayno guryaha dadka qaba cudurka oo qayb ka ah baadhitaanka, "ayuu yiri.

Saraakiisha ayaa sheegay in amarka, mamnuucaya carruurta aan tallaalnayn inay tagaan goobaha guud sida dugsiyada, xarumaha dukaamada, makhaayadaha iyo goobaha cibaadada, uu socon doono 30 maalmood.

Maxaa ka dhacay goobaha kale ee carruurta laga tallaalay jadeecada?

Jadeecadu waa cudur aad u faafa waxayna sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan in waxyeelo ay gaari karaan sanbabada iyo maskaxda.

Laakiin inkastoo ay khatarahaas ay jiraan , ayaa hadana heerka tallaalka uu hoos u dhacaya wadamo badan.

Warbaahinta ayaa sheegtay in sidoo kale laga helay jadeeco Yurub.

Boqortooyada Midowday (UK), dawladdu waxay raadineysaa sharciyo cusub si ay u tirtiraan shirkadaha warbaahinta oo bulshda usoo gudbiyo xogta qaldan ee ku saabsan talaalka.

Waxaa jiray in ka badan 82,500 kiis oo jadeeco ah Yurub sannadkii 2018 - tirada ugu badan ee tobaneeyo sano iyo saddex jeer wadarta guud ee la soo sheegay 2017kii .

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay dhaqdhaqaaqa ka hortagga tallaalka in uu noqdo mid ka mid ah khataraha caafimaad ee caalamiga ugu sareeya 2019.

Mowduucyada la xiriira