Duuliye halyay ah oo geeriyooday

Bacos Lahaanshaha sawirka Getty Images

Michel Bacos oo ah duuliye u shaqayn jiray shirkadda Air France oo lagu tilmaamay in uu halyay yahay, markii uu diiday in uu isaga tago rakaabkii uu waday ka dib markii ay diyaaraddiisa afduubteen dad Falastiiniyiin iyo Jarman kala ah ayaa Faransiiska ku geeriyooday isaga oo 95 jir ah.

Afduubkaas ayaa dhacay sannadkii 1976.

Diyaaraddaas oo waday 260 ruux ayaa ka duushay magaalada Tel Aviv waxayna ku sii jeeday magaalada Paris balse waxay ku sii hakatay magaalada Athens halkaas oo afduubeyaashu ay diyaaradda galeen dalbadeenna in ay safarkeeda badasho.

Afduubkii ayaase lix maalmood ka dib ku soo dhammaaday garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda, ka dib markii kumaandoosta Israa'iil ay hawlgal ka fuliyeen garoonka.

Bacos ayaa ku dhintay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Wuxuu ku guulaystay abaalmarinta ugu sarraysa ee qof shacab ah la siiyo ee L├ęgion d'Honneur, sannadkii 2016 ayuu BBC-da u shegay "in aysan macquul ahayn in uu rakaabka isaga tago isaga oo duuliyahoodii ah."

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Benny Davidson oo ah qofkii ugu da' yaraa ee ka badbaada afduubkii Entebbe ayaa sheegay Bacos uu ahaa muunad uuna door hoggaamineed u muujiyay rakaabkii.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay "in Michel uu ahaa halyay. Uuna si geesinimo leh u diiday Yuhuud nacaybka iyo axmaqnimada, isla markaasna uu sharaf u soo jiiday Faransiiska.

Mowduucyada la xiriira