Xaajo Ugub ah : Haweenay labo ilmo-galeen leh oo kala mar dhashay mataano

. Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption .

Haweenay ku sugan dalka Bangladesh ayaa dhashay ilmo mataano ah bil kadib markii ay dhashay wiil dhicis ah, sida uu dhaqtarkeeda u sheegay BBC-da.

Cariifa Suldaana oo 20 jir ah ayaa bishii feberaayo dhashay ilmo aan shinkiisa galin, balse 26 maalmood kadib ayaa isbitaalka loola cararay kadib markii ay xanuun dareentay, halkaas oo qaliin looga soo saaray ilmo mataano ah.

Dhaqaatiirta ayaa waxa ay ogaadeen in haweenaydan ay leedahay labo ilmo-galeen, taas oo kaliya lagu tilmaami karo xaalad caafimaad oo mucjiso ku noqotay shaqaalaha caafimaadka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Laba gabdhood oo mataano ah oo isku dhegan misana hami fog leh

Ilmaha mataanaha ayaa ahaa kuwa caafimaadka qaba, waxaana lagu soo saaray si badqab ah.

'Waan argagaxnay'

Dr Sheila Poddar oo ah dhaqtarka Cariifa ayaa sheegtay in ay aad uga hanfariirtay xaaladda gabadhan, maadaamaa aysan waligeed arag wax tan la mid ah.

"Ma aysan ogeyn in ay ilmo kale caloosheeda ku jiraan, qaliin ayaan ku samaynay si aan ilmaha usoo saarno" ayay tiri Dr Poddar.

Balse Dr Christopher Ng oo ku sugan dalka Singapore ayaa BBC-da u sheegay in xaaladan caafimaad ee labada ilmo galeen ay tahay mid jirta, islamarkaasna ay jiraan dad qaba.

Waxa uu intaas ku daray in laga yaabo in halmar 3 ugxan la bacrimiyay, sidaasna ay labada min ku abuurmeen.

Inkasta oo ay ilmo caafimaad qaba dhashay, Cariifa waxa ay ka walaacsantahay korinta ubbadkeeda maadaamaa ay aad faqiir u tahay sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Ninkeeda oo muriqiisa ku shaqaysta waxa uu bishii sameeyaa $95 doolar, waxayna sheegtay in ay tahay mucjiso rabbaani ah in ilmahan eebbe siiyay.

Mowduucyada la xiriira