Qoys Soomaaliyeed oo ku caan baxay curinta suugaanta

Cabdullaahi Saleebaan Bidde, Abwaan Lahaanshaha sawirka Qoyska
Image caption Cabdullaahi Saleebaan Bidde, Abwaan

Soomaalida waa dad caan ku ah xagga gabayada iyo noocyada kala duwan ee suugaanta, balse dadka qaar ayaa wax dheer kuwa kale marka laga hadlayo arrintan.

Qoyska reer Saleebaan Bidde oo 10 qof ka koobnaa, balse hadda 3 uun ay ifka ka joogaan ayaa ah qoys wada maansoyahano ah, waxaana jirta in wiil iyo gabadhba ay gabayada tiriyaan.

Qoyskan waxaa ka dhashay abwaankii caanka ahaa Axmed Saleebaan Bidde ee curiyay heesaha Soomaalida intooda badan.

Wariyaha BBC-da ee Hargeysa Sadiiq Burmad ayaa la fariistay Cabdullaahi Saleebaan Bidde oo qoyskan ka mid ah, laftiisana gabya, islamarkaasna ay jiraan heeso caan baxay oo uu curiyay.

Waxa uu marka hore sharaxayaa qoyska reer Saleebaan "Reer Saleebaan waa la wada gabyaa, wiil iyo gabadhba waan gabaynaa, weey heesaan, inta fursad u hesho mooyaane, inta kale marka caadiga la yahay waa la gabyaa, macal aabbe waa gabyi jiray" .

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wiil dhallinyara ah oo tix gabay ka tiriyay rafaadka tahriibka

Kaliya ragga ma ahan kuwa maansooyinka tiriya, ee sidoo kale labada hablood ee Faadumo Saleebaan iyo Khadiijo Saleebaan waa kuwa iyaguna aftahano ah, allena ku manaystay hibada curinta iyo hal abuurnimada.

Saleebaan Bidde

Odayga laftiisa illaa abtirkiisa dhawr awoow waxa ay ahaayeen kuwa wada gabya, waxaana jira gabay uu illaa hadda xusuusto Cabdullaahi Saleebaan oo uu aabihiisa mariyay.

Waxaa la sheegay in nin ay ilmo adeero ahaayeen Saleebaan uu gabay usoo tiriyay, kaas oo ku weeydiinayo sababta uu uga guuray gobolka Bari, isaga oo u duurxulay in xaaskiisa ay ku qasabtay geediga. Gabaygii ninka ayaa waxaa ku jirtay kalmaday ahayd "Haweenka waa cadaw, haddii aan la'iska celinaynin".

Halkan Ka dhagayso Waraysiga

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Reer Saleebaan Bidde, qoys wada maansoyahano ah

Saleebaan Bidde oo kalmadaas ka gilgishay, ayaa gabay jawaab ah mariyay, waxaana ka mid ahaa erayada soo socda.

Maalintii caarood kaa dhintee, ciidda lagu seyray

Haddaadan Saaqa curadkeed ahayn, maadan ciyaarteene

Libaax baa ku cuni lahaa , adoo ceeri yuurura'e

Coomaadaahaa duulayaa, kugu casheyn lahaaye

Haddaanay dumarka ina caawinayn cuud ma dhaqaneen

Lammaanihii Jacaylka ee ka horeeyay Cilmi iyo Hodan

Cabdullaahi Saleebaan Bidde laftiisa waa abwaan curiyay qaar ka mid ah heesaha hirgalay.

Waxaa ka mid ah hees uu qaaday Xassan Aadan Samatar oo miraheeda ay ka mid yihiin Qarnigii Sagaalaad, soonkuu jacaylkii, Soomaali kaga yimid, sow Seylac ma ahayn. Wariyaha BBC-da ayaa weeydiiyay sababta uu magaalada Seylac ugu tilmaamay in ay ahayd goobtii uu jacaylka naga soo gaaray.

Waxa uu ku jawaabay in Cilmi Boodhari iyo Hodan ka hor ay jireen lammaane kale oo qiso jacayl oo daran lahaa, kuwaas oo la kala oran jiray Muriyo iyo Xuseen, kuwaas oo ku dhashay magaalada Seylac.

"Seylac geed baa ka baxay labadooda qabri, geedkii ayaana isku maran" ayuu yiri Cabdullaahi Saleebaan Bidde.

Mowduucyada la xiriira