"Wax xanuun ah ma aanan dareemin markii aan foolanayay"

. Lahaanshaha sawirka JO CAMERON
Image caption .

Jo Cameron waxay ogaatay inay gacmaheeda gubanayaan markii uu maqaarkeeda oo gubanayo uu uso uray. Waxay badanaa ku gubataa foornada, laakiin ma dareento xanuun si ay ooga digtoonaato gubashada .

Taasina waa sababta oo ay ooga mid tahay labada qof ee kaliya oo dunida oo dhan ka qaba xanuun ka loo yaqaano genetic mutation (Isbadelka hiddaha).

Taas macnaheedu waxa ay tahay in aysan dareemaynin wax xanuun ah, mana dareemayso walwal ama cabsi.

Waxay ahayd 65 sanno jir markii ay ogaatay in ay ka duwantahay dadka kale - dhakhaatiirtu way rumaysan kari waayeen in aysan u baahnayn xanuun baabi'iyaha ka dib qaliin culus mar lagu sameenaye.

Markii qaliinka gacanta looga samaynayey, ayay dhakhaatiirtu kaga digeen in ay xanuun daran dareemi karto .

Markay waxba dareemi waysay, dhaqtarkii suuxinayay Dr Devjit Srivastava - wuxuu u dirtay caalim ku takhasusay xanuunka ee jaamacadda London (UCL) iyo tan Oxford

Baaritaano ka dib, waxay heleen in hido sidayaasheeda ay badalanyihiin taasoo macnaheedu tahay iyadu wax xanuun ah ma dareemayso sida dadka kale

Ma aha oo kaliya 'si aad ah u caafimaad qab'

Jo waxay u sheegtay BBC Scotland in dhakhaatiirtu aysan rumaysan markii ay sheegtay in aysan u baahnayn xanuun baabi'iye kadib qaliinka.

Waxay tiri: "Waxaan soo bandhigay markii lii daawaynayay aana damaanad qaaday inaanan u baahnayn xanuun baabi'iye".

"Markii uu ogaaday inaanan u baahnayn wax xanuun baabi'iye , wuxuu baaray taariikhda caafimaadkeyga wuxuuna helay inaanan waligay baahan xanuun baabi'iyaha ."

Lahaanshaha sawirka JO CAMERON
Image caption .

Markii la ogaaday arrintaas , Jo waxay oagaatay in "caafimaadkeedu uusan taam ahayn ",sida ay ismoodi jirtayna aysan aheen.

Waxay tiri: "hadii aan dib u eego, waan ogahay inaanan u baahnayn xanuun joojiye, laakiin haddii aadan u baahnayn waxaad weydiisaneysaa sababta aadan ugu baahnayn" .

"Waxaad tahay waxa aad tahay, ilaa qof uu ku dareensiyo inay wax ka qaldan yihiin waayo adiga waxa aad tahay su'aal iskama waydiinaysid, waxaan ahaa qof faraxsan oo aan ogeyn in ay jiraan wax iga dhigaya inaan ka duwanaado dadka kale ."

Xitaa markii ay foolanaysay wax xanuun ah maysan dareemin, iyada oo soo xasuusanaysa ayay tiri : "Waxa ay ahayd arrin cajiib ah , laakiin mid xanuun leh ma aanay ahayn , runtii aad ayaan ula riyaaqay".

Jo waxay ka qayb gashay tartanka cunitaanka basbaaska

Iyadoo oo ay la socdeen ninkeeda Jim iyo dhakhtarkeeda suuxdinta Dr Devjit Srivastava, Jo ayaa ka qeyb gashay tartan adag ee cunista basbaaska .

Inkastoo dadkii la tartamaayay ay falcelin ka sameynayeen kuleylka bisbaaska oo laga dareemayay wajiyadooda inay xanuunsanayaan , Jo ayaa iska dhoola-cadaynaysay .

Jo ma dooneyso inay wax iska bedasho, laakiin waxay u maleyneysaa in xanuunku yahay mid muhiim ah waxayna tiri: "Xanuunku wuxuu u jiraa sabab, digniin ayuu xanuunku nasiiya.

"Way fiicnaan laheyd inaan digniin helo marka ay wax qaldan yihiin - Ma aanan ogeyn in misigtayda ay iga jabtay ilaa iyo markii aan socon waaye."

Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in ay sidoo kale awood u yeelan karto inay dhakhso u bogsato si caadi ah. Isku-dhafkan gaarka ah ee hiddaha ayaa sidoo kale ka dhigaya iyada inuu bato illowshiyaheeda iyo walwalkeda .

"Waxaa la yiraahdaa hiddaha faraxsan ama hidda illoowshiyaha badan , dadka waxay ka xanaaqi jireen ilowshiyahayga fara badan - Anigu marmarsiimo ayaan hada haystaa," ayay tiri.

"Ma lihi wax jiriirico ah ama naxdin ah, waa inaad haysataa digniintaas, waa qeyb ka mid ah bani'aadamnimadda, laakiin ma beddeli karro."

Miyuu hiddaha Jo noqon karaa fure caawiyo dadka kale?

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay inay suurta gal tahay inay jiraan dad kale oo sida Jo oo kale ah.

"Mid ka mid ah labadii bukaan oo qalliinka lagu sameeyayba, dib ayaa weli wuxuu dareemaa xannuun dhexdhexaad ah iyo mid daranba, inkastoo wali la rajaynayo in lasa sameeyo daawo iyadoo laga cabir qaadanayo cilmi baaristawaxa kaso baxo," ayuu yiri Dr Srivastava.

"Natiijooyinka baaritaanka ayaa tilmaamaya inay suurta gal tahay in la helo dawo bixiso xanuunka qalliinka ka iyo sidoo kale inay deg deg galiso bogsashada dhaawaca nabarka, waxaan rajeyneynaa in tani ay ka caawin karto 330 milyan oo bukaan ah oo qaliin lagu sameeyo caalamka sannad kasta."

Dr Cox waxa uu yiri: "Dadka qaba xanuunkan waxay noqon karaan kuwo qiimo u leh oo cilmi baaris caafimaad lagu sameen karo markaan barano sida hiddahooda uu is badalka ugu yimid, sidaasi darteed waxaan ku dhiirri-galineynaa cid kasta oo xanuun kan qabto inay no yimaadan si aan cilmi baaris ugu samayno.

"Waxaan rajeyneynaa in, natiijooyinka cilmibaaristan ay ka qayb qaadan karaan cilmi baarisyo caafimaad oo loogu talagalay xanuunka iyo walaaca ka hor inta aany qoka qaliin ka galin , iyo bogsashada dhaawaca."

Mowduucyada la xiriira