Ma hoos ayey u dhacday awooddii siyaasadeed ee uu Erdogan ku lahaa Turkiga?

Recep Tayyip Erdogan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Recep Tayyip Erdogan

Mashruuc dukaamo, guryo iyo meelaha nasashada ah oo lagu waday inuu noqdo mid ka mid hormarrada casriga ah ee uu doonayay inuu hirgeliyo madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay inaan weli la hirgelinin.

Muuqaal lagu xayeysiinayay mashruucan oo la shaaciyey sanadkii 2010-kii ayaa lagu muujiyay in Turkigu uu dhaqaalo badan ka heli doono mashruucan.

Interactive Fikirtepe: Expectations and reality

Fikirtepe in 2019

A huge rectangular crated in the ground, almost like a comically oversized swimming pool made of brown mud, sits abandoned, partially waterlogged, with inactive cranes nearby

Artist's render

An artist's render shows a lush green forest area with gleaming white towers nestleed among the trees

Ku dhawaad 15,000 oo guri ayaa la burburiyey si mashruucan loo hirgeliyo.

Balse dhibaato dhanka dhaqaalaha ah ayaa ku timid, maalgeliyayaasha mashruucan ayaa ka baxay, dhismooyin qorshuhu ahaa in la dhisana lama keenin adeegyadoodii.

Arrintan ayaa la sheegay inay micnaheedu tahay dhqaalo xumo, waana markii ugu horreysay ee uu halis siyaasadeed oo noocan ah wajaho muddadii 16-ka sano ahayd ee uu madaxweyne Erdogon xilka hayay.

Ra'yi aruurin shacabka laga sameeyey maalmihii fasaxa ahaa ayaa lagu ogaaday in xisbigiisa AK laga yaabo in laga la wareego caasimadda, Ankara iyo magaalada ugu weyn dalkaas ee Istanbul.

"Waxaan dareemayaa inaan nacayb u hayo"

Zeynep Duzgunoldu, oo 60 sano jir ah ayaa oohin afka furatay kadib markii ay aragtay halkii uu gurigeedii hore ku oolli jiray.

"Dadka waxay dhihi jireen guriga leh jikada quruxda badan", ayey tiri iyada oo ilmaynaysa.

Sidoo kale Guriga Firdevs Uluocak', waxa uu ka mid ahaa guryihii la burburiyey si mashruucan qabsoomi la' halkan looga hirgeliyo.

Image caption Firdevs Uluocak

"Waxaan dareemayaa inaan nacayb u hayo" Ayey tiri "waan u codayn jiray marwalba balse waxaa uu burburiyey guryihii shacabkiisa."

16-kii sano ee la soo dhaafay waxa uu madaxweyne Erdogan u ol'olayn jiray hirgelinta dhismooyin casri ah.

Qaar ka mid ah mashruucyadan waxa ay badeleen kaabayaasha dalka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ma laga yaaba dhaqaalo xumadaan inay sabab in Erdogan uu doorashada ku guul darreysto?

Dhaqaala xumada jirta ayaa waxa ay keentay in madaxweynaha uu murankaan ku dhaliilo arrimo kale.

Muuqaal uu ku cambaaraynayay weerarkii masaajidkii New Zealand ayaa dadka dhaliila waxa ay sheegeen inuu uga dan lahaa sidii uu taageero dheeri ah u heli lahaa.

Dhaqaalaha dalka ayaa kor u kacay intii uu xilka hayey Recep Tayyip Erdogan, balse hadda hoos u dhac saameyn leh ayaa ku yimid.

Mowduucyada la xiriira