Cabdi Maxamuud Cumar ka dib shirwaynaha xisbiga oo markii ugu horraysay dhacaya

Geedka Nabada/FACEBOOK Lahaanshaha sawirka Geedka Nabada/FACEBOOK

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shirwaynaha xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida oo socon doona saddexda maalmood ee soo socota.

Shirwaynahan oo ah midkii 10 waxaa ka qaybqaadanaya ergooyin kor u dhaafaya 1,300.

Ergooyinkaas waxaa laga soo kala xulaa 93 degmo iyo 6 maamul magaalo oo ku yaalla Dawlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo mid kaste loo qoondeeyay 13 xubnood, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka itoobiya iyo magaalada Diri Dhaba oo ah caasimadda labaad ayay iyaguna ka yimaadaan min 19 xubnood.

Ergada ayaa lagu wadaa in ay noqdaan 1,325, balse waxaa codaynta xaq u yeelan doona in kabadan 600 oo kali ah.

Shirarkii hore ee xisbiga ayaa waxaa lagu soo dooran jiray ugu yaraan 45 xubnood oo golaha dhexe ah iyo in kabadan 10 xubnood oo gudiga fulin ah.

Indhaha ayaa ku wada jeedda shirwaynaha xisbiga talada haya maadaama uu yahay midkii koobaad tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar. Waana halkan kan laga dheehan doono isbadelka rasmiga ee dhici kara.

Shirkan ayaa dhawr jeer dib loo dhigay waxaana aad u xoogaystay dareenka laga qabay in ay is mari la'aayeen Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Axmed Shide.

Hoggaamiyaha Xisbiga Axmed Shide ayaa arrintaas dhawaan ka hadlay wuxuuna sheegay "in markasta oo dib loo dhigayay shirka si wada jir ah go'aanka loo gaarayay si diyaar garaw adag oo ballaaran loo sameeyo, loogana shaqeeyo midnimo hoggaamineed iyo midnimada qaab dhismeedka xisbiga".

"Xukuumad iyo xisbi kala taagnaa ma jirin" ayuu intaas ku sii daray.

Dhanka kalana madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa ku baaqay in laga feejignaado waxyaabo uu ku tilmaamay "miinooyin ay dhigeen dad dano gaar ah leh".

"Dhaqankii hore een sii socon karin waxaa ka mid ahaa qof ay shaqsi isa soo arkeen in uu deegaanka arbusho" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe oo bidhaaminaya in shirkani uu ka duwanaan doono midkii hore.

Waxyaabaha aad isha loogu hayo

"Xisbigu ma aha mid sumcad badan, tobankii sano ee u dambaysayna sumcaddiisu dhulka ayay gashay, marka haddii uu rabo in uu soo kabto, doorashada soo socotana mustaqbal ku yeesho waa in uu boorka iska jafaa oo isbadal baaxad leh keenaa," ayuu yiri Maxamed Badal Taqwiim oo bare ka ah jaamacadda Jigjiga

"Hadda ka hor nin dooran doorta ayay ahayd, magacyo la sii xulay ayaana ergada loo gayn jiray oo shaambad looga dhigi jiray" ayuu intaas ku sii daray Maxamed.

"Hadda dadku isha ayay ku hayaan xisbiga, shirkanina wuxuu go'aamin doonaa halka uu deegaanku u jihaysanayo" ayuu yiri barahaasi jaamacadda Jigjiga oo la hadlay BBC.

Ballan qaadyada uu sameeyay Madaxweyne Mustafe

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa ergada shirka u timid u sheegay in golaha wasiirrada iyo siyaasiyiintu ay candhuuftooda dib u liqaan, isla markaasna aysan masuuliyadda ay hayaan damaanad qaadayn u ahayn in ay masuuliyiinta xisbiga ka mid noqon doonaan.

Wuxuu sheegay in cid kasta ay ka mid noqon karto xisbiga.

"Markii hore een xukuumadda soo dhisaynay kaalintii dumarka aad ayaan u yaraynay, hadda ayaanse arrintaas saxaynaa, anaga oo aan sidii xukuumaddii hore qaraabo nimo iyo xididnimo toona ku soo xulayn" ayuu yiri madaxweynaha.

"Aqoontooda iyo kartidooda ayaan ku soo xulanaynaa ayuu intaas ku sii daray"

Dhanka kalana BBC-da ayaa la xiriirtay Dr Cabdiwahaab Xaashi oo bare ka ah jaamacadda Jigjiga waxaana waydiinay sida Soomaalida qabiilka wax ku qaybsata ay u xaqiijin karto tayada iyo aqoonta uu madaxweynuhu sheegay in xubnaha xisbiga lagu soo xuli doono wuxuuna yiri "Soomaali haddaysan qabiil dayn karin ugu yaraan midkooda u aqoon badan, u sharaf badan, u hawl karsan halaga soo xulo."

"Arrinta kale ee muhiimka ah waa in xulashada lagu daraa luuqadaha uu qofku ku hadlo oo ay ka mid tahay midda Axmaariga ee dalka Itoobiya looga hadlo, si qofka masuul ah uu ula socdo jihada ay Itoobiya u socoto" ayuu intaas ku siidaray Dr Cabdiwahaab.

Xilalkan xisbiga ee loo wada xuubinayo xilasho kale mooyee xoolo laguma helo

Iyadoo aad loogu hanqaltaagayo ka mid noqoshada hoggaaminta xisbiga talada haya ee Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa soo baxaysa in aan wax mushaar ah lagu qaadan golaha dhexe iyo guddiga fulinta.

Darajooyinkan waa kuwo aad u awood badan, waa kuwa qaabeeya hoggaaminta iyo geedi socodka Dawladda Deegaanka haddana mushaar laguma qaato, ayuu yiri qof aad ugu dhuun duleela siyaasadda deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa in la sheego.

Lahaanshaha sawirka Geedka Nabada/FACEBOOK
Image caption Qalbi Dhagax iyo gudoomiyaha xisbiga DDS oo isa salaamaya

Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar oo fahamsan saamaynta siyaasadeed ayaase aad uga war hayn jirtay xubnahan, xilal sarsarena u dhiibi jirtay intooda badan.

Hoggaanka ugu dambeyn kasoo bixi doona iyo qorshayaasha shirka lagu ansixin doono ayaa ah kuwa lagu wajihi doono doorashooyinka sannadka dambe ka dhici doono Itoobiya, xilli loolan adag ay dhankooda soo bandhigi doonaan xisbiyada mucaaradka ah sida ONLF oo isu soo baxyo iyo wax olole doorashooyin u eg ka wadda guud ahaan deegaanka.

Waxay noqonaysaa markii koowaad oo xisbiga tallada haya uu la kulmo loolan muddo aad u dheer kadib markii isbadel uu ka dhacay dalka Itoobiya, lana furfurey siyaasadda dalkaas.

Mowduucyada la xiriira