Ma dhici kartaa in shirkadda Boeing dacwad looga gar helo?

Qaar ka mid ah dadki eheladooda ku dhinteen shilki diyaaradeed Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaar ka mid ah dadki eheladooda ku dhinteen shilki diyaaradeed

Qoyska mid ka mid ah dadki naftooda ku waayay diyaaraddi ay lahayd shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ee burburtay ayaa shirkadda Boeing ku dacweeyey maxkamadda Federaalka ee dalka Mareykanka.

Diyaaraddii labo toddobaad ka hor ku burburtay dalka Itoobiya waxaa ku dhintay dhammaan 157-kii qof ee diyaaradda la socday.

Ehelada Jaksan Musoni oo ka mid ah dadki shilka diyaaradeed ku geeriyooday ayaa waxay dacwad ku soo oogeen shirkadda Boeing, iyaga oo dacwaddooda ku sheegay in diyaaradda burburtay ee Boeing 737 Max 8 uu ka khaldanaa habka duuliyaha kumbuyuutarka, taasina ay sababtay inuu shilka dhaco.

Shilkan oo dhacay shan bilood ka dib markii ay burburtay diyaaraddii laga lahaa Indonesia oo iyaduna nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa horseeday in gabi ahaanba duullimaadyada laga joojiyey diyaaradaha nooca burburay ah.

Shirkadda Boeing ee diyaaradda burburtay sameysay ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin dacwadda lagu soo oogayna.

Arbacdi waxay shirkadda Boeing sheegtay in qayb ka mid ah diyaaradda ay cillad ku arkeen, cilladdii jirtayna ay xal u heleen.

Hase yeeshee, khubarada baaritaanka shilka diyaaradeed ee dhacay loo xilsaaray waxay weli ku howlan yihiin baaritaankooda.

Mowduucyada la xiriira