Dibadbaxyo ka dhan ah madaxweynaha aan hadlin oo wali sii socda

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dibedbaxyada Aljeeriya ayaa lagu diiddan yahay inuu mar shanaad is sharraxo madaxweyne Butefliqa

Dadka Aljeeriya ayaa isugu soo baxay toddobaadkii lixaad dibadbaxyada ay uga soo horjeedaan xukuumadda madaxweynaha da'da ah ee xanuunsanaya Cabdilcasiiz Boutefliqa, iyo kuwa ku xeeran ee talada dalka wax ka maamulo.

Booliiska ayaa u adeegsaday dibadbaxayaashangaaska dadka ka ilmeysiiya iyo tubooyinka biyaha seyra si loogu kala eryo boqolaal kun oo qof oo dibadbaxayaal ah.

Mudaaharaadasha oo wajiyadooda kusoo xardhay midabka calanka dalka Aljeeriya ayaa tuban toddobaadkii 6 aad caasimadda Aljeeriya.

Mr Boutefliqa ayaa lumiyay taageerada xisbigiisa iyo milatariga dalka, kuwaasi oo doonaya in maxkmadda sare ee dalka ay ku dhawaaqdo inuusan mudneyn inuu dalka sii hogaamiyo.

Balse dibadbaxyaasha ayaanan dooneyn inuu xilka ka dego keliya, ee ay waxay sidoo kale ku baaqayaan inay isaga tagaan xukunka dalka dhammaan hogaamiyeyaasha ku da'da ah ee lasoo shaqeeyay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa haatan ku howlan inuu markale dalka hoggaamiye madaxweyne Bouteflika.

Kolsii horeysay madaxweynaha xanuunsanaya Cabdulcasiis Butefliqa ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo musharraxnimadiisa doorashada soo socota.

Warqad lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalkaasi, APS, ayaa 82 jirkan ku xanuunsan magaalada Geneva waxa uu ku ammaanay dibedbaxayaasha "sida nabadda leh ee ay fekerkooda u cabireen".

Balse waxa uu ugu baaqay inay iska jiraan "suuragalnimada ah inay ku soo dhex dhuuntaan xooggag dibedda iyo gudaha laga soo diray".

Madaxweyne Butefliqa ayaahorey u shaaciyay inuu mar shannaad u tartamayo madaxtinnimada Aljeeriya.

Madaxweynaha aan hadlin ee Aljeeriya waxa uu dalkaasi xukumayay 20 sano, balse inta badan fagaarayaasha kama uusan soo muuqan tan iyo markii uu xanuunka shalalka ku dhuftay sanadkii 2013-kii.

Dibedbaxyo ay horkacayaan ardayda, qareennada iyo weriyayaasha ayaa dalkaasi ka bilowday markii uu Butefliqa shaaciyay musharraxnimadiisa.

Madaxweynaha ayaa tan iyo 24-kii Febraayo ku jiray cisbitaal ku yaal magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana kooxdiisa ololaha ay sheegtay in xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Mowduucyada la xiriira