Trump oo ku hanjabay inuu xirayo xadka Mexico muhaajiriinta qulqulaya awgood

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gawaari safaf dhaadheer ugu jira xadka Mareykanka iyo Mexico

Madaxweynaha Maraykan Donald Trump ayaa sheegay inay u badan tahay inuu xiri doono xuduudda Maraykanku la leedahay Mexico toddobaadka soo socda.

Tallaabadan ayay suuragal tahay inay carqaladeyso balaayiin doolar oo ganacsi oo ka gudba xuduudda dalkaasi.

Wuxuu uga digay madaxweyne Trump dalka Mexico inaysan ku filneyn in ay joojiso soogalootiga imaanaya Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Trump ayaa kula hadlay warfidiyeenada Jimcihii kula halday Florida

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii u sheegay warfidiyeenada in "ay u badan tahay in la xiri doono xadka toddobaadka soo socda, taasina uu ku qanacsan yahay."

Waxuu sidoo kale sheegay in Mexico ay u fududahay"inay ka joojiso muhaajiriinta inay soo galaan Mareykanka, blasé aysan taasi dooneynin".

Derbiga Mexico: Trump oo markii ugu horreysay adeegsaday codka diidmada qayaxan

Sidee tallaabadan Mexico uga jawaabtay?

Madaxwaynaha Mexico López Obrador ayaa sheegay in aanu la noqon doonin mid dhaqanka iskahorimaadka ah ee Washington ay waddo.

López Obrador waxuu sidoo kale sheegay Khamiistiiin arrinta magangalya doonka "aysan ahyan howl u taalo dadka".

Wuxuu ku tilmaamay inay tahay arrin ay joojin karaan dalalka Laatiin Ameerika ku yaalo balse aysan Mexico waxba ka qaban Karin.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Mexico López Obrador

"Dadka Mexico kama doontaan shaqo Mareykanka. Inta badan dadka magangalya doonka ah waa kuwa kasoo jeedo dalalka kale ee Laatiin America, " ayuu yiri madaxweynaha Mexico.

Kadib markii madaxweyne Trump uu bartiisa twiterka Jimcihii kusoo qoray, ayaa madaxweyne López Obrador wuxuu ku yiri taageerayaal badan oo isku soo baxay "Waxaan doonayaa inaa cadeeyo inaynaan dooneyn inaa la dagaalano xukuumadda Mareykanka. Waxaan dooneyna Nabad iyo Jeceyl."

Muxuu u doonayaa madaxweyne Trump xiritaanka xadka Mexico?

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muhaajiriin

Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico.

Dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay ka soo cacareen faqri, colaado iyo dhibaatooyinka taagan dalalka ay ka soo jeedaan oo o kala ah Honduras, Guatemala iyo El Salvador..

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa ciidaamo gaaraya 5,800 u dirtay xadka Mexico, iyadoo na qulqulka muhaajiriinta ku tilmaamtay dad duulaan ku ah Mareykanka.

'' Haddii xaaladda muhaajiriinta ay gaarto heer ay wax ka qaban weyno, ama ay dadku dhibaato soo gaareyso, waxaan xiri doonaa halka laga soo galo dalka in muddo ah, ilaa iyo inta ay xaaladda ka hagaageyso'' waxaa sidaasi yiri madaxweyne Trump.

Hadalka Trump ee ah in haddii laga maarmi waayo la adeegsan doono xoog ayaa yimid kadib markii wasiirka difaaca ee Mareykanka, JamesMattis uu sheegay in ciidammada jooga xuduuda laga qaadi doono hubka.

Maxay tahay saameynta ay yeelan karto?

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muhaajiriin

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda baratmaha qaaradda Amerika ayaa sooo gaaray magaalo ku taala xuduudda Mexico oo la yiraahdo Tijuana, kadib markii ay ka soo tallaabeen qeybo badan oo kamid ah dalkaasi iyo dalal kale.

2,750 kamid ah dadkan ayaa qaab qaxootinimo ah isaga dhiibay magaaladaasi, halkaa oo laga siiyay guryo ay degaan.

Duqa magaalada Tijuana ayaa sheegay in muhaajiriin kale oo gaaraya toban kun ay rajeynayaan inay soo gaaraan magaaladiisa maalmaha soo socda.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka digtay in qofkii lagu hela inuu si sharci darro ah kusoo galay Mareykanka la xiri doono, dibna loogu celi doona dalkiisa.

Mowduucyada la xiriira