Mark Zuckerberg: wuxuu dowladaha ka codsaday iney soo saaraan nidaam lagu xakameyn karo Internetka

Mark Zuckerberg Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mulkiilaha, Aasaasha ahna Madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg

Mark Zuckerberg ayaa sheegay dowladaha iyo hay'adaha sharciga iney door muhiim ah ka qaataan sidii loo xakameeyn lahaa waxyaabaha Interneetka lagu baahiyo.

Warqadda furan uu Zuckerberg uu qoray oo lagu soo daabacay wargeyska Washington Post ayaa wuxuu ku sheegay xilka ku aaddan dabagalka waxyaabaha khaldan ee interneetka lagu baahiyo ay saarneyn shirkad oo keli ah.

Wuxuuna warqaddiisu uu ku dalbaday in afar arrimood shuruuc laga soo saaro: "Farriimaha waxyeellada leh, Doorashooyinka, Xorriyadda shaqsiyaadka iyo Xogaha gaarka ah ee ay dadku leeyihiin oo la gaari karo".

Hadalka shirkadda ayaa imanaya laba toddobd kaddib marki uu ninki geystay weerarki ka dhacay Masaajid ku yaalla Christchurch ee dalka New Zealand isaga oo toogashada fulinaya uu ka baahiyey tabinta tooska ee Facebook.

"Sharciyaqaannada waxay marweliba ii sheegaan ayuu yiri Mr Zuckerberg iney facebook aasaasto laan shirkadda ka madax bannaan oo arrimahan si gaar ah u dabagasha marka shacabkuna waa iney aqbalaan go'aanka annaga". ayuu yiri.

"Shuruucda la soo saari doonana waa iney noqdaan dhammaan shabakadaha caalamka ka jira mid ay u hoggaansamaan" ayuu yiri mr Zuckerberg.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Astaanta Facebook

Muxuu doonayaa Mark Zuckerberg?

Baaqa uu Mr Zuckerberg uu soo jeediyey wuxuu ka kooban yahay qodobbadan hoos ku xusan:

  • Shuruuc mideysan oo ay baraha bulshada oo dhan u hooggaansamaan, si aan loogu baahin hadllada neceybka ee dhibaatooyinka abuuri kara.
  • Dhammaan shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknooloojiyadda iney seddexdii biloodba mar warbixin sax ah oo tifatiran oo waxqabadkooda muujinaya oo ay ku jirin warbixinnadooda xisaabaadka ay soo gudbiyaan.
  • Shuruuc adag oo heer caalami ah oo lagu hago arrimaha doorashooyinka ee lagu baahiyo baraha bulshada in la soo saaro.
  • In la soo saaro sharci aan lagu fulineyn musharraxa iyo doorashada oo keli ah oo marweliba wax lagaga qaban karo dhaqdhaqaaqyada siyaasedeed ee ka baxsan xilliyada doorashada.
  • In la dajiyo nidaam lagu xakameyn karo ololaha siyaasadeed ee lagula xiriiro codbixiyeyaasha sida tooska ah codadkooda uga dhiibta doorashooyinka.
  • Waddama badan iney soo saaraan shuruuc lagu ilaalin karo xogaha gaarka ee dadka oo la mid ah sida kan ay oo saareen midowga yurub ee General Data Protection Regulation (GDPR), ee sanadki hore la dhaqan geliyey.
  • Shuruucda la soo saari doono iney noqdaan kuwa heer caalami loo mideysan yahay waddan kastana goonidiisa uu sharci u gaar ah uu soo saranin.
  • Shuruuc cadcad oo qeexeysa cidda mas'uuliyadda ay ka saaran tahay xogaha dadka marka meel laga qaadayo oo meel kale la geeynayo iney ilaaliso.

Shirkadda Facebook waxay sheegtay "Muuqaalki tooska ahaa ee weerarki Chiristchurch uu toos uga socday Facebook iney daawadeen 200 oo qof muuqaalkana uu socday 17 daqiiqo, facebook waxay xogta muuqaalkaasi ay heshay oo ay joojisay 12 daqiiqo marka uu marayey.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Facebook oo sheegtay iney wax ka beddeleyso nidaamka lagu xakameynayo hadallada neceybka ee barteeda lagu baahiyo

Baraha bulshada ayaa waxay dagaal adag kula jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen muuqaalka weerarka Christchurch oo ay dadku kooboiyeysteen ilaa iyo haddana shirkadda Facebook waxay sheegtay 1.5 milyan oo nuqul oo laga baahin rabay barteeda iney joojisay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption FAcebook oo cambaareyn caalami ah kala kulantay muuqaalka weerarki masaajidda ee laga baahiyey

Facebook waxay cambaareyn caalami ah kala kulantay weerarki Chirstchurch oo ninka weerarka geystay uu si toos ah uga tabiyey Facebook.

Xukumadda New Zealand waxay sheegtay iney dib u eegis ku sameyneyso shuruucda dalka ayna ku soo dari doonto "hadallada iyo ficillada neceybka" ee ay shaqsiyaadka gudbiyaan shruudcdi looga hortagi lahaa.

Wasiirka caddaaladda New Zealand Andrew Little wuxuu sheegay shuruucda hadda dalka u yaalla iney ahayn kuwa wax ka qaban karo "hadallada iyo ficillada neceybka" dowladda iyo guddiga xuquuqda aadanaha waxay hindisa sharciyeedka ugu horreeya baarlamaanka soo hordhigayaan dabayaaqada sanadkan.

Mowduucyada la xiriira