Xisbiga Erdogan oo muran galiyay guusha mucaaradka

Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka CHP Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka CHP

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose ee Turkiga ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee AKP ee Madaxweyne Rajab Erdogan uu dood ka keenay natiijada doorashooyinka ee magaalada Ankara, halkaas oo lagu dhawaaqay in ay mucaaradka guusha ku raacday.

Xoghayaha guud ee xisbiga Fatih Sahin ayaa sheegay in qaladaad ay ka dhaceen inta badan goobaha 12 -ka kun ah ee codbixinta ee magaalada Ankara, wuxuuna intaas ku daray in ay maxkamadda la aadi doonaan natiijada oo markii hore la shaaciyay in xisbiga mucaaradka uu ku guuleystay.

Xisbiga Erdogan iyo kan mucaaradka ayaa sidoo kale labaduba sheegtay in ay ku guuleystay maamulka magaalada ugu weyn ee Istanbul.

Hase ahaatee xisbiga AKP ee Erdogan ayaa la sheegay in 51% uu heley codadka

Wakaalada warar Anadol ayaa tabisay in xisbiga uu sidoo kale maxkamad la aadayo natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Istanbul, halkaas oo weli aanan la shaacin.

Doorashooyinkan ayaa yimid xilli ay dalkaasi ka jirto dhibaato dhaqaale oo soo food saartay.

57 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka dowladaha hoose oo lasoo dooranayo duqeyda magaalooyinka iyo xubnaha goleyaasha deegaanka.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in musharaxa xisbiga CHP Mansuur Yavas uu ku guuleystay duqa magaalada Ankara.

Hase yeeshee magaalada Istanbul ayaa weli la iska lushaa, iyada oo labada dhinacba ay guul ku naaloonayaan maadaamaa natiijada ay aad isugu dhowdahay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Erdogan

Xisbiga AKP waxaa u sharaxnaa Ra'isulwasaarihii hore ee dalkaa Binali Yildirim.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Musharaxa mucaaradka ee Istanbul Ekrem Imamoglu

Doorashadan ayaa waxaa loo arkaa in ay tijaabo u tahay hoggaanka Erdogan oo markii koowaad duqa magaalada Istanbul loo doortay sannadkii 1994-tii, wixii markaas ka dambeeyayna sannad kasta guul cusub ka gaarayay doorashooyinka.

Waxa uu Erdogan sheegay in uu diirada saari doono arrimaha dhaqaalaha oo aad looga deyrinayo, ahna moowduuca ugu weyn ee doorashooyinka lagu galay.

Istanbul

Waxaa aad looga wardhawrayaa natiijada doorashada duqa magaaladaa Istanbul iyo xubnaha golaha dowladda hoose.

Waxaa aad isu garbinaya xisbiga talada dalkaas haya ee AKP ee Madaxweyne Rajab Erdogan iyo kan mucaaradka ugu weyn ee CHP.

Labada xisbibaba waxa ay sheegayaan in ay iyaga ku guuleysteen doorashada, balse guddiga doorashooyinka weli ma uusan shaacin natiijada.

Tusaale mucaaradka waxa ay sheegayaan in musharaxooda Ekrem Imamoglu uu ku horeeya illaa 28 kun oo cod, halka xisbiga AKP oo uu u sharaxanyahay Ra'isulwasaarihii hore Binali Yildirim uu ku horeeyo illaa 4 kun oo cod.

Istanbul waa magaalada ugu weyn dalka Turkiga, waxaana ku dhaqan illaa 18 milyan oo qof.

Marka tirinta codadka ay ka dhimantahay boqolkiiba 1% ayaa la joojiyay tirintii, mucaaradkana waxa ay sheegayaan in ay taasi tahay qorshe codadka lagu dhici rabo.

Mucaaradka waxa ay ku guuleysteen magaalada Ankara ee caasimadda iyo magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Izmir.

Natiijooyinka doorashooyinkan ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa afti u ah hoggaanka madaxweyne Erdogan oo dalkaas soo hoggaaminayay muddo dheer.

Mowduucyada la xiriira