Maxay wadaagaan kooxaha xagjiriinta midigta fog ee Britain iyo dagaalyahanada IS?

Xagjiriinta midgta fog iyo IS Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xagjiriinta midgta fog iyo IS

Xagjiriinta midigta fog ee dalka Britain ayaa adeegsada waxyaabaha ay argagixisadu baraha online-ka soo galiyaan kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS, sida ay BBC u sheegeen khubarada la dagaalanka argagixisada.

Waxay sheegeen khubaradu in kooxaha islaamka neceb iyo kuwa xagjiriinta midigta fog ah ay ka baranayeen qaababka loo fuliyo weerarada kooxaha jihaad-doonka ah kuwaasi oo kula wadaaga dadk taabacsan internet-ka.

Balse la yaab malahan inay labadan kooxood wadaagaan waxyaabaha qaar.

'Naceybka saa'idka ah'

Tan iyo bartamahii sanadkii lasoo dhaafay, hya'adda amniga ee MI5 ayaa ku howlaneed iyada oo kaashaneysa booliiska la tacaalida halista sii kordheysa ee gudaha Britian, taasi oo uga imaaneysa kooxaha xagjiriinta ah ee midigta fog.

Saraakiisha la dagaalanka argagixisada ayaa adeegsanayay qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin la socodka telefoonada, aruurinta xogaha la xiriira waxyaabaha ay qorsheynayaan shaqsiyaadka ugu rabshadaha badan kooxahan.

Xiliyada qaar, kuwa laga shakisan yahay ayaa lasoo xirxiray kadib markii lagu qabtay iyagoo adeegsanaya muuqaalo aan wanaagsaneyn.

Balse saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan islaam neceybka ah iyo kuwa kale ay adeegsanayeen sidoo kale waxyaabo si loo qorsheeyo weerarada ay tabiyaan dadka aan ku afkaarta ahayn sida IS.

Arrintaa ayaa u muuqata mid aan suuragal ahayn balse ma ahaaneyso mid lala sii yaabo.

Afkaartooda ayaa gebi ahaan laga yaabaa inay iska soo horjeedo balse waxaa jiro waxyaabo xanuun badan oo ay iskala mid yihiin, oo qaarkood ay caadi yihiin qaarna ay halis yihiin.

Kuwa badan oo rumeysan sareynta cadaanka iyo xagjiriinta islaamka ayaa ku howlan sameynta duni ay maamulaan kuwa neceybka u hayo dadka aan ku afkaarta ahayn dulqaadkana aan u lahayn kuwa ka afkaarta duwan balse iyaga uun isla quman.

Jihaad doonayaalka IS, ayaa tusaale ahaan tani waxay uga dhigan tahay ahaanshaha in dadka aan muslimka ahayn loola tacaamulo sida cadowtinimo ah.

Iyagoo adeegsanaya fikrada "Takfir", ayaa jihaadiyiintu ay ku dhawaaqi doonaan xitaa in dadka ay isku diinta yihiin inay yihiin kuwa "diin la'aan ah" iyo "murtadiin" sidaasi darteedna waxaa horyaalo mashruuc ay hiigsanayaan.

Si la mid ah gudaha UK iyo iyo qeybaha kale oo Yurub ah, xagjiriinta midigta fog ayaa cadow u arka dhammaan dadka ay u heystaan inay qeyb ka qaateen isbedelada dhacaya ee aysan jecleysan.

'Waxyaabaha qatarta ah'

Labada dhinacba waa xagjiriinta midigta fog iyo jihaad doonayaasha ayaa isu arka inay yihiin kuwa ku taagan wadada saxda ah, isla markaan doonaya bulshooyin kala duwan.

Saraakiisha la dagaalanka argagixisada ayaa ku tilmaamay qaar ka mid ah waxyaabahan inay yihiin kuwa halis ah ilaa iyo xad shaqaalihii ka shaqeynayay ay noqoto in latalin loo sameeyo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaraxyadii September

Dhowr sano kadib markii uu dhacay weerarkii bsihii September sanadki 2001, ayaa ururka al-Qacida waxay si joogta ah u isticmaalayeen sawirada diyaaradaha duqeyn doona daarihii Twin Towers.

Isku xirnaan la'aan

Sikastaba, halka meel ee labadan kooxood ay si weyn ugu kala duwan yihiin ayaa ah isku xirnaanta iyo wada-shaqeynta.

Markii si fiican loo eego, jihaad doonayaasha ayaa ah kuwa ku mideysan inay arkaan shareecada islaamka oo la hirgeliyo noqotana mid hagta nolosha qof walba.

Balse dalka Britian, kooxaha xagjiriinta midigta fog ayaa inta badan ka go'ay kooxda laga mamnuucay dalkaasi haatan, taasi oo muujineyso in wada shaqeyntii ka dhaxeyn jirtay ay yaraatay.

Qaar ayaa doonaya wax ay u arkaan inay tahay cunsuriyad sifeyn, halka kuwa kalena ay doonayaan in sharciyadooda u janjeera dhanka wax burburinta la la hirgeliyo.

Mowduucyada la xiriira