Qoyskii uu ka baxay wariye Jamaal Khaashuqji oo la siinayo malaayiin lacag ah

Saalax khaashuqji waa wiil uu dhalay Jamaal Khaashuqji Lahaanshaha sawirka AFP/Reuters
Image caption Amiir Maxamed binu-Salmaan oo gacan qaadayo Saalax Khaashuqji

Wargeyska Washington Post ayaa qortay carruurta uu dhalay wariyihii la dilay ee Jamaal Khaashuqji iney boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka guddoomeen guri ay ku kaceyso malaayiin doolar, boqortooyadana ay sheegtay iney kumannaan doolar oo joogta ah ay bil walba siineyso.

Khaashuqji oo wargeyska Washington Post bog uu ku lahaa ku qori jiray qoraallo uu kaga soo horjeedo boqortooyada Sacuudiga ayaa bishi October ee sanadki hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istaanbuul iyada oo dilkiisa la sheegay iney ka dambeeyeen 15 ka mid ah sirdoonka Sacuudiga oo laga soo diray Riyadh. Iyada oo aan ilaa iyo hadda aan meydka Khaashuqji la helin.

Lacagta ay qoska Khaashuqji boqortooyada siisay waxay guddoonsiisay afar carruur ah uu marxuumku dhalay (laba wiil iyo laba gabdhood), tallaabbadan oo lagu tilmaamay iney qayb ka tahay qorshaha fog ee ay boqortooyada Sacuudiga noolasha qoyska Khaashuqji wax ugu qabaneyso sida ay horayba u ballan qaadday.

"Guriga la siiyey qoyska Khaashuqji wuxuu ku yaallaa magaaladda dekedda ee Jidda waxuuna gurigaasi qiimahiisu uu ku kacayaa $4 milyan oo doolar" sida uu qoray wargeyska washingtob post.

"Saalax oo ah curadka ilmaha uu dhalay Jamaal Khaashuqji, ayaa qorsheeynayey inuu ku sii noolaado dalka Sacuudi Carabiya, halka carruurta kale ay ku nool yihiin Mareykanka iyada oo la filayo Sacuudiga inuu carruurta kalana uu guriyo halka ay ku nool yihiin uu uga iibiyo" ayuu yiri wargeyska.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Muuqaalka kaamarada aan libiqsan ee CCTV oo uu daabacay wargeyska Sabah ee Turkiga.

Guriga ubadka Khaashuqji la siiyey waxaa u dheer oo ay Boqortooyadu u diyaarisay $10,000 oo doolar qofkiba iney bishi siiso iyo lacago kale oo Malaayiin ah oo Sacuudiga u qorsheynayo inuu qoyskaasi caddaan uu ku siiyo" sida ay sheegeyso warbixinta wargeyska lagu qoray.

Amiir Maxamed bin-Salmaan oo ah Amiirka ugu awoodda badan boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay dilka Khaashuqji, balse boqortooyada ayaa sheegtay inuu Amiirka uu dilka Khaashuqji wax lug ah uu ku lahayn.

Sacuudiga oo aan si cad u qeexin Khaashuuqji dilkiisa haddana waxay marki dambe qirteen iney koox ay ku sheegeen 'damiir laawayaal' oo 15 ka kooban inay dilkiisa ka dambeeyeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee boqortooyada Sacuudigana wuxuu dacwad uu ku soo oogay 11 qof oo dilka Khaashuqji lala xidhiidhiyey.