Haweenay geed dushiis ku dhashay

Amalia oo haysata gabadheeda Sara Lahaanshaha sawirka UN
Image caption Amalia oo haysata gabadheeda Sara

Haweenay ayaa ilmo ku dul dhashay geed cambo ah, kaas oo ay u kortay si ay uga bad gasho daadad waaweyn oo ka dhacay dalka Muzambiqeu.

Islaantan oo lagu magacaabo Amelia ayaa dhashay gabadh, taas oo loo bixiyay Sara.

Intii ay foosha haysan waxa ay Amalia ka raaracday ama ay ku dhaganayd laan geedka ka mid ah, waxaana geedka la saarnaa ilmo yar oo 2 jir ah oo ay iyadu dhashay.

Qoyskan ayaa waxaa labo maalmood foosha kadib soo badbaadiyay dadkii dariska.

Duufaantii roobabka wadatay ee Adai ee dalkaas ku dhufatay ayaa dishay dad ka badan 700 qof.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Hooyo, maxay dadka iigu qoslaan?

20 sanno ayaa laga joogaa markii sidan oo kale koonfurta dalkan uu ku dhashay ilmo kale oo lagu magacaabo Rosita Mabuiango.

"Gurigayga ayaan la joogay wiilkayga markii biyaha ay si lama filaan ah ay nasoo galeen, ma haysanin wax kale oo aan sameeyo oo aan ka ahayn in aan geed fuulo" ayay u sheegtay madaxa hay'adda carruurta ee UNICEF oo xog waraysi ugu tagay gabadhan.

Amalia iyo qoyskeeda waxa ay hadda ku noolyihiin meel u dhow magaalada Dombe, caafimaadkoodana aad ayuu u fiicanyahay.

Rosita Mabuiango oo hadda 19 jir ah ayaa caan ka noqotay adduunka 20 sanno ka hor markii hooyadeed, Safia ay ku dul dhashay geed dushiis xilli ay dalkaas ka jireen daadad harqiyay.

Image caption Rosita Mabuiango oo 20 sanno ka hor geed ku dul dhalatay

Safia oo la hadashay wargeyska Mail and Guardian ee kasoo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in foosha ay ahayd mid aad u xanuun badan, islamarkaasna ay la barooratay, jirrina cid ka umulisay.

Balse waxa ay intaas ku dartay hadal taariikhda galay "Dad badan ayaa wax muhiim ah ku waayay daadadka, balse aniga waxbaa iigu soo kordhay", oo ay dabcan ula jeeddo ilmaha ay dhashay Sofia.

Balse Rosita, gabadhii geedka lagu dul dhalay, ayaa BBC-da u sheegtay in balanqaadkii dowladda dalkaas iyo safar waxbarasho oo ay Maraykanka ku tagi lahayd dhammaantood ay noqdeen kuwa aanan la fulinin illaa iyo maanta.

"Dowladda guri waa noo dhistay, balse hadda xaaladiisa ma fiicna, marka uu roob da'o waa uu nagu soo daadiyaa, waa in ay na caawiyaan" ayay tiri Rosita.

Mowduucyada la xiriira