Nin 'xanaaq awgiis xaaskiisa timaha uga xiiray'

Asma Aziz Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Asma Aziz

Haweenay u dhalatay dalka Pakistan ayaa ninkeeda ku eedaysay inuu timaha ka xiiray ka dib markii ay diidday inay samayso ciyaarta qoob ka ciyaarka ah, arrintan ayaana hadda abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan amaanka dumarka ku nool gudaha dalkaas.

Asma Aziz, oo ka soo jeedda gobolka Lahore, ayaa qabsatay hadal haynta shacabka ka dib markii ay baraha bulshada ku baahisay muuqaal laga arkayay madaxeeda oo xiiran iyo dhaawacyo soo gaaray wajigeeda.

Seygeeda oo lagu magacaabo Mian Faisal ayaa hadda waxaa gacanta ku haya booliska.

Hase yeeshee, Mr Faisal ayaa dafiray eedaymaha ay xaaskiisa u soo jeedisay.

Kiiskan ayaa horseeday isku dayo badan, waxaana lagu dadaalayaa in laga hortago falalka rabashadaha ah ee guryaha ka dhaca.

Farriin ay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ku qortay barta twitter-ta ayey ku sheegtay in loo baahan yahay in la sameeyo isbadel.

  1. Haween banaanbax ka dhigay Togo
  2. Maxay isu madoobaynayaan dumarkan midabkoodu cadyahay?
  3. Afar haween ah oo lagu dilay Maraykanka
  4. Haween lagu laayay toogasho ka dhacdey kaniisad ku taal Ruushka
  5. Booliiska Kenya oo xiray 21 dumar ah oo u dhashay dalka Nepal

Muuqaalkeeda ayey Aziz ku sheegtay in seygeeda iyo asxaabtiisa ay ka dalbadeen inay u ciyaarto, markii ay diidayna jir dil loo gaystay.

"Waxa uu dharka iga bixiyay dadkii saaxiibadiis ahaa oo goob joog ah, Gacmaha ayay iga qabteen intii uu timaha iga xiirayay, Dharkayga oo dhan dhiig ayay noqdeen", ayey tidhi.

Waxay sidoo kale sheegtay inay booliska u tagtay si ay dacwad ugu gudbiso.

Booliska ayaa kaliye arrinkan ka falceliyay ka dib markii ay arkeen muuqaalka.

Kiiska ayaa buuq badan ka dhex abuuray baraha bulshada, iyada oo dad badan oo caraysan ay ra'yigooda u gudbinayeen dowladda Pakistan.

Atariisho u dhalatay Pakistan ahna fannaanad oo lagu magacaabo Sanam Saeed ayaa ka mid ahayd dadka ka hadlay arrinkan.

Xuquuqda dumarka ayaa ahayd arrin sannado badan laga soo saarayay eedeymo.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Sinnaanta Jinsiga ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Pakistan ay kaalinta 147 uga jirto 188 dal oo baaritaan lagu sameeyay sida ay dumarka ula dhaqmaan.

Mowduucyada la xiriira