Qoomiyad qarniyo go'doonsaneyd oo hadda dooneysa inay dunida badbaadiso

Qarniyo badan ayey qowmiyaddan ka go'doonsaneyd dunida inteeda kale
Image caption Qarniyo badan ayey qowmiyaddan ka go'doonsaneyd dunida inteeda kale

Arhuaco waa qowmiyad ka mid ah dadka asal ahaanta u leh dalka Colombia, waxayna kasoo gudbeen qarniyo ay ka takoornaayeen dunida inteeda kale, iyagoo hadda damacsan inay gacan ka geystaan sidii dunida looga badbaadin lahaa Isbadalka cimilada.

Dadkan oo boqollaal sano ku go'doonsanaa deegaannadooda buuraleyda ah ayaan waxba kala soconin horumarka ay dunida ku tallaabsatay, waxayna aaminsan yihiin in isbaddalka cimilada ay sabab u yihiin dadka hoggaanka u haya tignoolojiyadda.

Waxay aaminsan yihiin in ay yihiin in dadka ku nool dunida ay yihiin walaalahooda ka yar, halka iyagu ay yihiin dadkii hore curadka ahaa.

"Walaalkeenna naga yar wuxuu burburinayaa dunida. Wuxuu ku taagan yahay waddadii uu uga taqalusi lahaa. Waa inuu fahmo arrintaas oo uu dhaqankiisa baddalo, haddii kale adduunka wuu baaba'ayaa", waxaa sidaas yidhi Luis Guillermo Izquierdo, oo ay ka muuqatay inuu aad uga niyad jabsan yahay saameynta ka dhalatay horumarka dunida ee horseeday in cimilada ay kululaato.

"Waxaan rabnaa in walaalaheena naga yar ay wax badan ka ogaadaan dhaqan keena. Markaas waxaan dhihi karnaa waxaan ka celin karnaa inay burburiyaan aduunkan", ayuu yidhi Izquierdo.

Qowmiyaddan dadkeeda waxay ku hadlaan luuqada Chibchan, waxayna dagaan buuraleyda waqooyiga Colombia ee lagu magacaabo Sierra Nevada de Santa Marta.

Dadkan gabi ahaan waxay kaso horjeedan aduunka hormaray ee casiriga ah.

Qabiillada wali ka harsan qowmiyadda Arhuaco waxay ka firxadeen gumeystayaashii Spain ee qarnigii 16-aad qabsaday dalalka ku yaalla waqooyiga qaaradda Ameerika, waxayna markii dambe dib ugu aasaasmeen dhulka buuraleyda ah.

Deegaannada ay dadkan ku nool yihiin oo ku yaalla xeebaha ugu joogga sarreeya caalamka ayaa ah meelo cimiladooda ay ka duwan tahay dunida inteeda kale.

Image caption Markii uu gumeysiga gaaray dhulkooda, qowmiyaddan waxay u firxadeen buuraleyda

Meeshaas ayaa ah goobta galiya ee uusan saameynin isbaddalka cimilada adduunka ee wal;aaca badan laga muujinayo, sida lagu qoray wargeyska Science journal sannadkii 2013-kii.

Tiro koob ay sameeyeen hay'addo aan faa'iido doon ahayn ayaa lagu sheegay in bulshada qowmiyadda Arhuaco-Kogi-Wiwa ay gaarayaan 90,000 oo ruux.

Waa qoomiyadii ugu danbeesay ee dhaqankooda uusan is badalin tan iyo xilliyadii ugu horreeyay ee aysan tignoolojiyadda soo ifbixin.

Dadkan oo isugu yeera walaalaha waaweyn ee dunida waxay caabudaan daceecadda asalka ah ee dunida, mana doonayaan in isbaddal lagu sameeyo.

Sidoo kale waxay aaminsanyihiin in ay leeyihiin xikmad ayna qiimaha nolosha ay aad u fahamsanyihiin.

Image caption Dadkan waxay taageersan yihiin cimilada dabiiciga ah

Sannadkii 1987-kii ayey dareemeen walalka ugu weyn eek u saabsan inuu saameeyo isbaddalka cimilada.

Waxay dareemeen inuu sii dhalaalayo barafka dul saran buuraleyda ay dagan yihiin, halkaasoo ay rumeysan yihiin inay tahay wadnihii dunida.

Waxay noo sheegeen inay direen digniino ay uga gol lahaayeen in lagu baraarugo khatarta, laakiin digniintii ay direen dhag jalaq looma siinin.

Laga soo bilaabo 1995, beelaha kala duwan ee qowmiyadda Arhusaco waxay isu abaabuleen inay soo saaraan ayna iib geeyaan iibiyaan qudaartooda tayada leh.

Waxay sameeyeen iskaashi ay ku doonayeen in wax soo saarkooda loo dhoofiyo guud ahaan dunida.

"Wax waan beerannaa laakiin si cilmiyeysan ayaan wax u beeranaa, ma isticmaalno bacrimiyayaal, balse si dabiici ah ayaan wax u beerahanaaa, waxaan si sharaf le hula nool nahay xaaladda dabiiciga ah ee dunida", ayuu yidhi Izquierdo.

Bulshada kasoo jeeda qowmiyadda Arhuaco ayaa hada dhaqaale fiican ka hela ganacsigooda, waxayna dunida tuseen dhaqankooda ku saabsan inaan waxyeello loo geysanin deegaanka, waxayna rajeynayaan in cashar laga qaato.

Mowduucyada la xiriira