Gabadh hadal ay masayr u tiri xabsi ku mutaysatay

LALEH SHAHRAVESH Lahaanshaha sawirka LALEH SHAHRAVESH

Haweenay reer Britain ah ayaa wajahaysa xabsi labo sano ah oo ay Dubai ku qaadato, iyadoo loo haysto in ay "faras" ku tilmaantay xaaska ninkeedii hore, iyada oo arrintaas ku qortay Facebook, sida ay sheegeen qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Laleh Shahravesh oo ah haweenay reer London ah oo 55 sano jirta ayaa lagu xiray garoonka Dubai ka dib markii ay halkaas u socdaashay si ay uga qaybgasho aaska ninkeedii hore.

Qoraal ay ku soo lartay sawirrada ninkeedii hore oo xaaskale guursanaya 2016, ayay dacwad ku mutaysanaysaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegtay in ay gacan qabanayso haweenaydaas halka ilmo dhashay.

Shahravesh iyo ninkeeda ayaa is qabay 18 sano, sideed bilood oo ka mid ah wakhtigaas ayayna Isutagga Imaaraadka ku wada noolaayeen, sida uu ku warramay ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Detained in Dubai.

Markii iyada iyo gabadheedu ay ku laabteen Britain, ninkeedu wuxuu ku haray Imaaraadka, lamaanihii ayaana is furay.

Sharavesh ayaa ogaatay in ninkeedii hore uu guursanayo xaas kale, Facebook ayayna ka aragtay sawirrada.

Iyada oo Af-Farsi adeegsanaysa ayayna soo dhigtay "waxaan kuu rajaynayaa in aad dhulka ka hoos marto, doqonkiiyoow" ma faraskan ayaad ayaad iiga tagtay".

Marka la eego shuruucda dambiyada nternetka ee Isutagga Imaaraadka dadka waxaa xabsi loo dhigi karaa ama ay ganaax ku mutaysan karaan erayo gaf ah oo ay baraha bulshada soo dhigaan.

Ururka Detained in Dubai ayaa sheegay in Shahravesh ay mutaysan karto labo sano oo xabsi ah, laguna ganaaxi karo £50,000, inkastoo haweenaydan 55 jirka ay qoraalkaas Facebook soo dhigtay iyadoo UK ku sugan.

Ururka ayaa sheegay in xaaska cusub ee uu guursaday ninkii hore ee Shahravesh ay dacwad ka gudbisay qoraalkii Facebook-ga ee wax looga sheegay.