Maxaa sababay nidaam-darrada ka jirta dalka Liibiya?

Liibiya Lahaanshaha sawirka Reuters

Dalka Liibiya ayay xasarad ka aloosnayd tan iyo markii ciidamada ay taageerto gaashaanbuurta Nato ay xukunka ka tureen madaxweynaha muddada dheer dalkaasi ka talinayay ee Mucammar Al-Qadaafi, Oktoobar sanadkii 2011.

Dalkani saliidda qaniga ku ah, oo marin muhiim ah u ah kumannaan muhaajiriin ah oo u safraya dhinaca Yurub, ayaa xilliyadii hore ayaa waddanka ugu wanaagsan dhanka nolosha ee qaaradda Afrika, waxaana dadka dalkaasi ay heli jireen daryeel caafimaad iyo waxbarasho lacag la'aan ah.

Balse xasilloonidii keentay barwaaqadani ayaa haatan la burburiyay, waxaana caasimada Tripoli ay haatan noqotay goob dagaal culus uu ku dhex marayo xoogag iska soo horjeeda, waxaana hakad uu ku yimid wadaxaajood la doonayay in dib loogu dhiso dalkaasi.

Yaa maamula dalkaasi?

Waddankaasi waxaa ka jiro maleeshiyaad hubeysan oo kala taageera maamullada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Maamulka ka dhisan Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ah mid ka mid ah dhinacyada isku haya xukunka dalka. Dolwaddani ayaa waxaa hoggaamiyo ra'iisalwasaare Fayez Sarraj oo ah nin injineer ah. Sarraj waxa uu Tripoli yimid bishii Maarso ee sanadkii 2016, afar bilood uun ka dib markii lagu heshiiyay in la dhiso dowlad midnimo qaran.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxa uu isku dayay in uu taageero ka helo maleeshiyaad iyo siyaasiin dhawr ah balse awood badan kuma uu laha inta badan gudaha dalkaasi.

Waxaa sidoo kale jira maamulka Tobruk oo uu ka mid yahay baarlamaankii la soo doortay sanadkii 2014 ka dib doorashooyinkii lagu murmay.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ka dib markii kooxihii maamulayay Tripoli ay diideen in ay wareejiyaan maamulka magaaladaasi 2014-ka, ayaa xildhibaannada cusub ee la soo doorto waxay u guureenmagaalada dekedda ah ee Tobruk, 1,000km u jirta casimadda Tripoli, waxaana xildhibaannadani la socday xukuumaddii hore.

Sanadkii 2015, qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanku waxay taageerayeen heshiiskii Qaramada Midoobey garwadeenka ka ahayd ee lagu soo dhisayay dawlad midnimo qaran, hase yeeshee baarlamaanku ayaa wali diidan inuu aqoonsado, waxa uuna ku gacan seyray dedallada lagu qaban-qaabinayo doorashooyin cusub, sababtoo ah waxay doonayaan in jago muhiim ah loo ballan qaado janaraal Khalifa Xaftar, oo ah hoggaamiye milateri ah oo awood leh oo hoggaaminaya ciidamda awoodda badan ee loo yaqaan Ciidanka Milatariga Liibiya.

Qaar ka mid ah maamulkaasi Tobruk ayaa waxay qabaan aragti ah in Janaraal Xaftar uu u hamuun qabo inuu noqdo "Sisi-ga Liibiya", taa oo ay ula jeedaan Janaraal Cabdulfataax Al-Sisi, oo inqilaab ku qabsaday awoodda waddanka deriska ah ee Masar.

Qoriga ayaa haatan xukuma dalkaasi Liibiya, waxaana dadka arrimaha amniga falanqeeya ay sheegayaan in Liibiya Liibiya ay tahay suuqa ganacsiga ee hubka. Waxaa waddankaasi ka buuxa hubkii laga qaatay keydka maamulkii Qadaafi iyo kan ay waddanka soo geliyeen waddamada kale ee kala taageeraya kooxaha isku haya siyaasadda waddankaasi.

Taageerada kooxaha maleeshiyaadka ah ayaa ku xiran cidda ay ka arkaan dantooda, si ay waddanka uga sii jiraan.

Maxay ka mideysnaan jireen?

Waxay ka mideysnaayeen nacaybka Qadaafi - laakiin wax kale ma jirin. Ma jirin koox kaliya oo mas'uul ka ah kacdoonka ka jiri waddankaasi. Maleeshiyaadka ayaa waxa ay ka dagaalamayeen magaalooyin kala geddisan, waxa ayna u dagaalamayeen danahooda.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waxay sidoo kale u kala duwan yihiin mabaa'diida- qaarkood ayaa ah mintidiin ama Muslimiin qunyar-socod ah, qaar kale ayaa ah gooni u goosad ama kuwa doonaya xukun boqortooyo, halka kuwo kale ay yihiin kuow aragti furan. Intaas waxaa dheer, malleeyshiyaadka waxaa lagu kala qaybiyaa xarumo goboleed, qowmiyado iyo maxaliga ah, taas oo ka dhigaysa isku dhafan dabacsan.

Intaas waxaa dheer, in maleeyshiyaadkani ay u kala qeybsan yihiin qaab gobol, qowmiyado iyo arrimo kale, arrintaa oo ka dhigaysa kuo isku qasan.

Ka dib markii in ka badan afartan sano oo dalkaasi uu soo xukumayay nin kaligii taliye ah, waxaaba ku yar fahamka dimuqraadiyadda.

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, oo wareysi laga qaaday bishii Abril ee sanadkii 2016-ka, ayaa sheegay in qaladkii ugu xumaa ee maamulkiisa uu ahaa in uu ku guuldareystey in uu la isu diyaariyo waxa dhici kara marka laga takhluuso Qadaafi.

Waxa uu jahawareerka Liibiya qayb ahaan ku eedeeyay ra'iisalwasaarihii Ingiriiska ee xilligaasi David Cameron oo uu sheegay in uusan wax weyn ka caawin waddankaasi Liibiya ee ku yaal woqooyiga Afrika.

Waa kuma janaraal Xaftar?

Janaraal Xaftar Xuxuu ka caawiyay Qaddaafi in uu xukkunka waddankaasi la wareego sanadkii 1969-kii ka hor inta aysan isku dhicin sanadkii 1980-maadkii oo uu dalka musaafuris uga baxay. Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay xilligii kacdoonka si uu ula dagaallamo Qadaafi oo ahaan jiray hoggaamiyihiisa hore, kadibna wuxuu isku dayay inuu noqdo nin ka soo horjeeda maleeshiyaadka Islaamiga ah ee bariga Libya.

Lahaanshaha sawirka AFP

Muddo seddax sano ayuu magaalada bariga ku taal ee Benghazi waxa uu kula dagaallamayay maleeshiyaad Islaami ah oo kala duwan, oo ay ku jiraan kooxo gacansaar la leh ururka Al-Qaacida. Hase yeeshee dadka siyaasaddiisa naqdiya ayaa ku eedeeyay in dadka ka soo horjeeda xukunkiisa uu mar kastaa ku calaamadeeyo in ay yihiin "argagixiso".

Kadib markii uu la wareegay xukunka Benghazi, wuxuu isla markiiba u hanqal taagay jagadas ugu sareysa dalkaasi, balse caqabadda ugu muhiimsan ee arrintaasi ka hor istaagtay ayaa ahayd qodob ku jira heshiiskii ay Qaramada Midoobey garwadeenka ka ahayd, kaasi oo shakhsiyaadka milatariga ka tirsan ka hor istaagaya in ay qabtaan xil siyaasadeed.

Dadka qaar ayaa sheegaya in ka qeybgalka uu janaraal Xaftar ka qeybgalay wadahadallada ka dhacayay waddamada Faransiiska, Talyaaniga iyo Imaaraadka Carabta uu ujeedkiisu ahaa sidii uu isaga gadi lahaa beesha caalamka balse ma ahayn in xal siyaasadeed loo helo xasaradda ka taagan dalkaasi.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa ciidanku waxa ay billaabeen weerar, si ay u qabsadaan laba ceel oo saliid ah oo ku yaal koonfurta dalkaasi. Waxaana hadda la rumaysan yahay in uu maamulo badi kaydka saliidda ee Liibiya.

Miyuu helayaa taageero caalami ah?

Haa, wuxuu muddo dheer haystay taageerada Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna booqasho ku tagay dalka Sucuudga toddobaad uun ka hor inta uusan duulaanka ku qaadin magaalada Tripoli. Janaraal Xaftar waxa uu booqasho ku tagay Ruushka, waxaa meel u dhow xeebaha dalka Liibiya ku soo dhaweeyay markab Ruushku leeyahay oo ah kuwa diyaaradada xambaara. Axaddii la soo dhaafay Ruushku waxa uu diidmada qayaxan kala hor yimid qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareynayay duulaanka Xaftar uu ku soo qaaday magaalada Tripoli.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Faransiiska oo dhexdhexaadinayay dhinacyada isku haya Liibiya, ayaa beeniyay in uu dhinac taageeray, waxaana jira shaki ah in xiriir wanaagsan uu la leeyahay janaraal Xaftar. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay oo reer galbeed ah oo ku marti qaaday wadahadallada nabadeed. Faransiiska ayaa sidoo kale bishii Febraayo duqeymo dhanka cirka ah ku taageeray ciidamada Janaral Xaftar. Waxay bartilmaameedsadeen ciidamada mucaaradka ee reer Chad ee la dagaallamaya ciidmada uu hoggaamiyo janaraal Xaftar ee LNA.

Inta badan waddamada reer galbeedka waxay taageeraan dawladda midnimada qaran. Tan iyo markii uu billowday duulaanka ka dhanka ah Tripoli, dhammaan Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka lana wadahadlo.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Liibiya ayaa sheegaya in sababta janaraal Xaftar uu u billaabay dhaqdhaqaaqa milatari ay tahay Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday "shirweyne qaran" oo ka dhacaya magaalada Ghadames ee dalkaasi Liibiya inta u dhaxaysa 14-16 Abril, si beelaha degaanka loogala xaajo qaabkii doorasho ay dalkaasi uga dhici lahayd.

Maadaama uu gacanta ku hayo meelo badan oo ka mid ah dalkaasi ayaa janaraal Xaftar waxa uu dareemayaa in uu guul ka gaari karayo wada xaajood kastaa oo looga hadlayo aayaha dalkaasi.

Waa sidee shacbiyadda janaraal Xaftar?

Waa ay adag tahay in la saadaaliyo shacbiyaadda janaraal Xaftar, laakiin sanado ka hore weerarkan uu ku soo qaaday caasimadda, dad badan oo ku nool galbeedka Libya ayaa taageereo u muujinayay.

Lahaanshaha sawirka EPA

Qaar ka mid ah dadka deegaanadaasi ayaa ka careysnaa amni-darrada, dowladda daciifka ah iyo musuq-maasuq ka dhex jira maleeshiyaadka xoogga leh ee maamulayay caasimadda, waxa ayna doonayeen nin awood u leh in uu sharciga ku soo dabaalo dalka oo dhan.

Janaraal Xaftar wuxuu in dhawaale awood u yeeshay in uu taageero ka helo qaar ka mid ah kooxaha iyo qabaa'ilada hubeysan, gaar ahaanna koonfurta dalkaasi, si ay uga barbar dagaalamaan, waxa uuna magaalooyinka yar yare e galbeedka dalkaasi ka sameystay xulufo hubeysan oo muhiim ah.

Saameynta kooxda Daacish

Colaaddii ka dambeysay burburkii dowladdii Qadaafi ayaa kooxda la baxday dowladda islaamka ee Daacish u sahashay in ay saameyn ku yelato dalka, waxa ayna qabsatay magaalada Sirte oo ah meeshii uu ku dhashay Mucammar Al-Qadaafi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Balse kooxo hubaysan oo ka dhisnaa magaalada Misrata iyo gobolka bartamaha ee dalkaasi oo xilligaasi daacad u ahaa xukuumadda midnimada qaran, ayaa waxay magaaladaasi ka saareen kooxda Daacish bishii Agoosto ee sanadkii 2016 - iyaga oo taageera ka helaya reer galbeedka iyo Mareykanka.

Kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish oo ka kooban kooxo jihaad doon ah oo maxalli ah iyo dagaalyahanno shisheeye, ayaanan hadda maamulin magaalo iyo xitaa tuulo ka tirsan dalkaasi, balse wali waxay joogaan meelo ka mid ah dhulka saxaraha ahi oo ay ku dhuumaaleysanayaan. Kooxdani ayaa hadda awood ahaan wiiqantay, inkasta oo ay ka dambaysay weerarro dahwr ah oo ka dhacay caasimadda, kuwaasi oo sii wiiqay ammaanka.

Lahaanshaha sawirka EPA

Mowduucyada la xiriira